Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa ammaanay Raphael Varane iyo Cristiano Ronaldo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen ciyaartii ay 3-0 kaga badiyeen Tottenham Hotspur .
Red Devils ayaa u suurtagashay in ay ka soo kabsato guuldaradii shanta gool ee looga badiyay todobaadkii hore Liverpool, iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen Ronaldo, Edinson Cavani iyo Marcus Rashford ay saddexda dhibcood ka heleen Waqooyiga London.

Solskjaer ayaa aad ugu farxay in kooxdiisu ay awooday in ay ku soo laabato wadada guusha kadib todobaad adag, waxaana uu Macalinka reer Norway amaan gaar ah u hayaa Varane iyo Ronaldo.

“Dabcan marka aad garoonka ka soo baxdo guul 3-0 ah, adigoo kubbada ka ilaalinaya goolkeena – David de Gea ma haysan wax badbaadin ah oo uu sameeyo – taasi waa wax lagu farxo, kubbada cagta marna anaga ayay noo socotaa marna waanu ka soo horjeednaa, waan shaqaynay. Toddobaadkan, wiilashu aad bay u Feecmaaueem, “Solskjaer ayaa u sheegay BBC Sport .

“Raphael Varane waa ciyaaryahan sare, si fiican ayuu u akhriyaa ciyaarta, waa mid deg deg ah, khibrad badana leh, inaan dib u soo celino waa wax weyn anaga ahaan.

Man United ayaa soo gashay kaalinta shanaad ee kala sareynta horyaalka Premier League, waxayna hadda saddex dhibcood oo kaliya ka hoosaysaa Manchester City oo kaalinta saddexaad ku jirta ka hor kulanka Manchester derby ee usbuuca soo socda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here