Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday sababta uusan u xiranayn muraayadaha ama ookiyaalaha astaanta u ah xilli ciyaareedk walbo marka uu ka soo hogaaminta Liverpool .

Muraayadaha ayaa waxa ay noqdeen qeyb ka mid ah muuqaalada Klopp waqtigiisii ​​Premier League, laakiin tan iyo bilowgii xilli ciyaareedka, Macalinka Jarmalka ayaa joojiyay xirashada.

Waxa ay kor u qaaday hadal-hayn badan oo dhanka internetka ah oo ka imaanayay taageerayaasha kuwaas oo dhamaantood la yaabay sababta uusan u isticmaalin, laakiin intii uu socday shirkiisa jaraa’id ee u dambeeyay, Klopp ayaa arintan ka hadlay.

“Runtii waa wax lala yaabo in aan sheego. Waan fiicanahay, uma baahni . Waxaa laga yaabaa in aan u isticmaalo xaalado gaar ah oo laga yaabo in aan xirto.” ayuu yidhi.

Klopp ayaa xaqiijiyay in lagu sameeyay qalliin ‘lens implants’ oo aan ahayn qalliin isha laysarka ah, waana sababta uusan hadda u isticmaalin muraayadaha.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here