Real Madrid ayaa isku dayi doonta in ay ku soo laabato wadada guusha ee horyaalka La Liga Maanta oo sabti ah marka ay u safarto Estadio Manuel Martinez Valero oo ay kula ciyaari doonto Elche .

Los Blancos ayaa barbaro gool la’aan ah la gashay Osasuna Arbacadii laakiin waxay weli ku soo laabatay hogaanka horyaalka , halka Elche ay tartanka soo geli doonto iyadoo guuldarro 1-0 ah ay ka soo gaartay Alaves Talaadadii.

Wararka Labada Koox 

Elche ayaa mar kale la filayaa inay weyso adeega Pablo Piatti , laakiin kooxda martida loo yahay ayaa qaab ciyaareed xoogan ku jirta ka hor kulanka ay la ciyaarayaan kooxda Ancelotti.

Tababaraha kooxda Escriba ayaa laga yaabaa inuu u wareego shan danbe, iyadoo Antonio Barragan uu soo galayo daafaca, halka Dario Benedetto uu sidoo kale riixayo in lagu soo daro kooxda koowaad.

Real Madrid, Gareth Bale , Dani Ceballos iyo Federico Valverde ayaa markale dhaawacyo ku seegaya, halka Karim Benzema laga saaray kooxda sababtoo ah dhibaato yar oo cagta ah.

Luka Modric ayaa xilli danbe laga saaray kooxdii ay la ciyaareen Osasuna daal muruqa ah awgiis, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Croatia ayaa lagu daray kooxda isagoo weheliya Isco .

Rodrygo ayaa riixaya inuu kula biiro Vinicius Junior isagoo qeyb ka ah seddexda hore, taasoo la micno ah inay jiri karto niyad jab badan oo soo wajaha Eden Hazard , iyadoo Ancelotti uu dhowaan qirtay in xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium uu hoos u dhac ku yimid booska weerarka ee Bernabeu.

Maqnaanshiyaha Benzema ayaa albaabka u furtay Luka Jovic inuu kusoo bilowdo, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia la filayo inuu helo booska weerarka dhexe inkastoo uu ku dhibtooday tan iyo markii uu kooxda yimid.

Shaxda Macquulka 

Elche: Casilla; Bigas, Verdu, Barragan; Josan, Guti, Mascarell, Fidel, Mojica; Benedetto, Boye

Real Madrid: Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Mendy; Kroos, Casemiro, Modric; Rodrygo, Jovic, Vinicius.

Xaqiiqooyinka Labada Koox

Elche ayaa laga badiyay sagaal ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay Real Madrid horyaalka La Liga, kaliya bar-baro ayay gashay inta lagu guda jiro kulankoodii ugu dambeeyay ee ay ku ciyaaraan garoonkooda tartanka, 1-1 bishii December 2020. Guushii ugu dambeysay ee ay ka gaaraan Los Blancos waxa ay aheyd March 1978 (3- 1).

Real Madrid ayaa shan kulan oo isku xigta guuldaro la’aan ah kooxda Elche kulan ka tirsan horyaalka La Liga (W4 D1), kaliya hal guul oo ka yar shantii kulan ee ugu dambeeyay oo ay booqatay ayaa la mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay banaanka kula ciyaartay tartanka (5 guul iyo 6 guul daro).

Real Madrid ayaa gool dhalisay 16-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay la ciyaartay kooxda Elche horyaalka La Liga (44 gool guud ahaan, celcelis ahaan 2.7 kulan kasta), waxa ugu dambaysay oo ay ku fashilantay in ay gool ka dhaliyaan iyaga bishii April 1975 kii (1-0).

Elche Vs Real Madrid

Tartanka La Liga

Saacada (16:00 pm Somalia) (15:00 pm Yurub)

Garoonka Estadio Manuel Martínez Valero

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here