Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso inay iska dirto weeraryahanka Luuk de Jong bilowga sanadka 2022-ka.

31-sano jirkaan ayaa amaah ugu biiray kooxda reer Catalonia ee Sevilla qeybihii dambe ee suuqa kala iibsiga, waxaana la filayaa inuu xilli ciyaareedka 2021-22 oo dhan ku qaato Camp Nou.

Barcelona ayaa sidoo kale haysata fursad ay kula soo saxiixato xiddiga heerka caalami ee dalka Netherlands heshiis joogto ah xagaaga soo socda, laakiin sida laga soo xigtay Sport , De Jong mustaqbal kuma laha kooxda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Xavi , oo la filayo in loo xaqiijiyo inuu yahay macalinka cusub ee Barcelona maalmaha soo socda, uusan dooneynin inuu De Jong ku sii hayo kooxda hore.

Xiddiga reer Holland ayaa xilli ciyaareedkan si joogto ah ugu ciyaara kooxda reer Catalonia isaga oo saftay 9 kulan tartamada oo dhan laakiin waxa uu hal mar shabaqa soo taabtay.

Xavi ayaa lagu xantaa inuu aad u jecel yahay weeraryahanka Bayern Munich Kingsley Coman inuu noqdo mid ka mid ah saxiixyadiisa ugu horreeya ee Camp Nou, halka Manchester City xidigeeda Raheem Sterling weli lala xiriirinayo kooxda.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here