Boosaaso (dalkaan) – Faah faahinp dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shababa ku qaadeen saldhig ciidamada ammaanka Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af-urur oo ku yaal gobolka Bari.

Weerarka oo ku billowday madaafiic ayaa waxaa xigay iska hor imaad oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo xoogagii weerarka qaaday, kaas oo saacado qaatay.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay inay illaa 10 madfac ay ku dhaceen gudaha saldhigga iyo hareerihiisa, waxaana ay shaaciyeen in aysan caddeyn karin khasaaraha rasmiga ah.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaana ciidamada ammaanka Puntland ay howl-gallo ka bilaabeen nawaaxiga deegaanka Af-urur oo hoostaga Boosaaso.

Weerarkan wuxuu kusoo aadayo, iyada oo degmooyin ka tirsan Puntland ay ka billowdeen doorashooyin qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo golayaasha deegaanka.


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here