Khabiirka BBC Sport Mark Lawrenson ayaa saadaaliyay kulamada isbuuca 10aad ee horyaalka Premier League oo la kala ciyaarayo maalmaha Sabtida, Axada iyo Isniinta.

Kulanka ugu soo horeeya ee Sabtida wuxuu dhexmarayaa kooxaha Leicester City iyo Arsenal oo ku balansan garoonka King Power Stadium. Lawro ayaa saadaaliyay in Arsenal ay guuldarro 2-1 kala soo hooyan doonto kulankaas.

Isla maalinta Sabtida kooxda Liverpool waxay Anfield ku martigelin doontaa Bright iyadoo Lawro uu saadaaliyay in kooxdiisa hore ee Reds ay 3-0 ku badin doonto kulankaas.

Natiijo la mid ah ayuu u saadaaliyay Manchester City oo Etihad Stadium ku casuumeysa Crystal Palace, halka uu guul 2-0 ah u saadaaliyay kooxda hogaanka heysa ee Chelsea oo u safreysa Newcastle United.

Habeenka Sabtida kulan weyn ayaa ka dhacaya Waqooyiga London marka ay kooxda Tottenham martigeliso Manchester United, kulankaan waa mid go’aamin doona mustaqbalka tababarayaasha labada kooxood. Tababarihii laga badiyo ayaa la ceyrin doonaa.

Lawrenson wuxuu saadaaliyay in Ole Gunnar Solskjaer uu badbaadi doono islamarkaana ay kooxdiisa Shayaadiinta Cas Cas ay 2-1 ku duban doonaan Tottenham.

Hadaba akhriste adiguna saadaashaada kulamada isbuuca 10aad hoos inoogu soo qor:

Saadaasha Premier League ee Mark Lawrenson:

Sabti

Leicester 2-1 Arsenal

Burnley 2-0 Brentford

Liverpool 3-0 Brighton

Man City 3-0 Crystal Palace

Newcastle 0- 2 Chelsea

Watford 1-1 Southampton

Tottenham 1-2 Man United

Axad

Norwich 0-2 Leeds

Aston Villa 1-1 West Ham

Isniin

Wolves 2-0 Everton

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here