Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday in Raphael Varane uu taam u yahay inuu ka soo laabto dhaawacii soo gaaray isagoo diyaar ah Kulanka Tottenham Hotspur .

Daafaca dhexe ayaa seegay saddexdii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxdiisu ay la ciyaartay Leicester City, Atalanta BC iyo Liverpool dhibaato gumaarka ah oo uu soo gaadhay intii uu xulka France u ciyaarayay kulamada caalamiga ah.

Varane ayaa markii hore la filayay inuu garoomada ka maqnaado ilaa bisha November, lagana yaabo inuu garoomada ka maqnaado ka dib fasaxa caalamiga ah ee soo aadan, laakiin 28 jirkaan ayaa ku soo laabtay tababarka Red Devils horaantii isbuucaan.

Isagoo ka hadlayay shirkii jaraa’id ee ka hor kulanka jimcaha, Solskjaer ayaa shaaca ka qaaday in xiddiga reer France uu diyaar u noqon doono xulashada garoonka Tottenham Hotspur.

Natiijo ahaan, kaliya Man United ayaa la xaqiijiyay inuu ka maqan yahay Paul Pogba , kaasoo ganaax ku seegaya casaankii uu qaatay kulankii shanta gool looga badiyay Liverpool isbuucii hore.

Anthony Martial iyo Amad Diallo ayaa sidoo kale taam u noqday kulanka ka dhacaya Waqooyiga London, halkaasoo Solskjaer uu cadaadis weyn saarayo inuu keeno natiijo wanaagsan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here