Christian Pulisic ayaa ka farxiyay kooxda chelsea wakhti ku haboon isaga oo ku soo laabtay tababarka khamiistii.

Thomas Tuchel ayaa haatan la tacaalaya liiska dhaawacyada ee Stamford Bridge iyadoo ay ka mid yihiin Ruben Loftus-Cheek , Timo Werner iyo Romelu Lukaku oo dhamaantood dhaawac ah.

Pulisic ayaa wakhtiga ugu dheer ku qaatay qolka daawaynta ka dib markii uu dhibaato canqowga ah ka soo gaadhay intii uu ku jiray waajibaadka caalamiga ah ee Maraykanka bishii Sebtembar.

Si kastaba ha ahaatee, Daily Mail ayaa sheegaysa in 23-sano jirkaan uu awooday inuu kasoo muuqdo tababarka maalintii Khamiista.

Iyadoo ku soo laabashada degdega ah ee kooxda koowaad ay u muuqato mid aan macquul ahayn, Pulisic ayaa laga yaabaa inuu bartilmaameedsado inuu baxo marka ay Chelsea wajaheyso Malmo Champions League usbuuca soo socda.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaan u ciyaarin kooxda chelsea tan ilaa markii uu gool ka dhaliyay Crystal Palace maalintii furitaanka xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here