Pep Guardiola ayaa u balan qaaday Manchester City inay soo laaban doonto sanadka soo socda ka dib markii laga reebay koobka Carabao Cup ee ay la ciyaareen West Ham United .

City ayaa ku guuleysatay afartii koob ee Carabao Cup-ka, balse arbacadi waxaa lagu reebay rigoorayaal.

“Orodkeena cajiibka ahaa ayaa soo idlaaday (laakin) waxaan ku dhameysanay qaab wanaagsan” ayuu yiri Guardiola ciyaarta ka dib.

“Waxaan u ciyaarnay si aad u wanaagsan, anagoo fursado ku abuurnay kooxda oo si qoto dheer u difaacday.

“Rigooreyaal way fiicnaayeen, Hambalyo West Ham.

“Sanadka soo socda waan soo laaban doonaa.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here