Barcelona ayaa la xiriirtay Xavi todobaadyadii ugu danbeeyay sidii uu ula wareegi lahaa doorka maamulaha ee Camp Nou..

Ronald Koeman ayaa xalay laga ceyriyay shaqada kooxda Catalan ka dib markii ay guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay Rayo Vallecano taasoo ka dhigtay Barca inay ku jirto kaalinta sagaalaad ee kala sarreynta La Liga.

Xiddigii hore ee khadka dhexe Xavi, oo haatan maamula kooxda Qatar ee Al Sadd, ayaa si dhaqso ah loogu arkaa booska inuu beddelo ninka reer Holland, iyadoo Roberto Martinez iyo Antonio Conte ay ka mid yihiin magacyada kale ee lala xiriirinayo.

Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano , Barcelona ayaa markii ugu horeysay xiriir la sameysay Xavi “toddobaadyo ka hor”, waxayna sii wadi doontaa wadahadalada ay la leedahay Al Sadd maanta.

Saxafiga ayaa intaa ku daray in 41-jirkan uu doonayo shaqada, balse aan la fileyn in dhawaan lagu dhawaaqo. Sergi Barjuan , oo hadda ah madaxa Barcelona B, ayaa si ku meel gaar ah u sii hayn doona haddii loo baahdo.

Xavi ayaa 24 sano ku qaatay Barca isagoo ciyaaryahan ah, isagoo ku biiray kooxda isagoo 11 jir ah, wuxuuna u saftay in ka badan 700 oo kulan, isagoo kula guuleystay siddeed horyaal iyo afar Champions League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here