Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Manchester United khadkeeda dhexe ee Paul Pogba ayaa qolka labiska iskaga indho tiray tababare Ole Gunnar Solskjaer kaddib casaankii uu qaatay kulankii Liverpool waxaana uu hakiyay wadahadalada heshiis kordhintiisa kooxda. (Sun)

Manchester United ayaa afarta tababare ee Solskjaer kooxda ka bedeli kara u dooratay Zinadine Zidane, Antonio Conte, Brendan Rodgers iyo Erik Ten Hag. (Sun)

PSG tababaraheeda Mauricio Pochettino ayaa wali ah midka bar-tilmaameedka koowaad u ah Man United si ay ugu bedesho Solskjaer. (Star)

Solskjaer ayaa haysta saddex kulan oo uu shaqadiisa Man United ku badbaadsado. (Telegraph – subscription required)

Newcastle ayaa doonaysa inay Ten Hag u bandhigto heshiis mushaharkiisu 6 Milyan oo pound yahay cashuurta kaddib sanadkii balse tababarahaas ayaa diidan inuu Ajax ka tago. (Mail)

Newcastle ayaan sidoo kale iska dhiibin fursada ay dib ugu magacaabayso tababare Rafael Benitez oo haatan Everton jooga. (Football Insider)

Tababarihii hore ee Roma ee Paulo Fonseca ayaa diyaar u ah inuu Newcastle la wareego balse mulkiilayaasha kooxda ayaa wali si qoto dheer uga fikiraya go’aankooda. (Fabrizio Romano, via Chronicle)

Tottenham khadkeeda dhexe ee Dele Alli ayaa laga reebay liiska xiddigaha kooxda ee kulanka Burnley ee Carabao Cup taas oo shaki cusub gelinaysa mustaqbalkiisa. (Mail)

Barcelona ayaa soo celisay rajada ay ka qabto in tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp uu kooxda ka bedelo Ronald Koeman. (Sport – in Spanish)

Arsenal ayaa ku dhibtoonaysa inay ku qanciso William Saliba in mustaqbalkiisu Emirates Stadium yaalo waxaana macquul ah inay ku qasbanaato inay iibiso 20 sano jirkaas oo hadda amaah ku jooga Marseille. (Sun)

Arsenal ayaa sidoo kale isku diyaarinaysa inay Man City kula tartanto saxeexa 29 sano jirka Barcelona ee Sergi Roberto oo si bilaash ah lagu heli karo. (Fichajes, via talkSPORT)

Donny Van De Beek ayaa diiday inuu aqbalo dalab uga yimid wakiilka caanka ah ee Paul Pogba ee Mino Raiola oo dalab u gudbiyay si uu wakiilkiisa u noqdo. (Mike Verweij, via Express)

Chelsea ayaa loosoo bandhigay saxeexa Matthijs de Ligt maadaama oo Juventus ay doonayso inay iska dirto sababtoo ah mushaharkiisa badan. (Goal, via Star)

Marcelo ayaa doonaya inuu Yurub kasii ciyaaro marka uu Real Madrid ka tago dhammaadka xilli ciyaareedkan. (TNTSports – in Portuguese)

Aston Villa, AC Milan iyo Bayer Leverkusen ayaa xiisaynaya weeraryahanka River Plate ee Julian Alvarez. (CalcioMercato – in Italian)

Barcelona ayaa u sheegtay Ousmane Dembele inuu haysto hal bil si uu u aqbalo dalabkii ugu dambeeyay ee ay heshiis kordhin kaga doonayaan. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here