Sir Alex Ferguson ayaa lagu soo waramayaa inuu ku sugnaa garoonka tababarka Manchester United Talaadadii iyadoo ay jiraan warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalka Ole Gunnar Solskjaer ee tababarenimada.

Cadaadiska ayaa kor u kacay Solskjaer ka dib guuldaradii 5-0 ee axadii ee gurigooda, laakiin waxay u muuqataa in Macalinka Norwey uu hogaamin doono kooxda kulanka Tottenham Hotspur isbuucaan.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News , tababare Ferguson ayaa joogay xarunta tababarka Talaadadii, halka gudoomiyihii hore ee Man United Martin Edwards uu sidoo kale ku sugnaa Carrington.

Ferguson ayaa u muuqday mid niyad jabsan intii uu joogay Old Trafford Axadii, iyadoo Mohamed Salah uu dhaliyay seddex gool kulankii ay guusha ku raacday kooxda Jurgen Klopp .

Antonio Conte oo ka tagay kooxda Inter Milan dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore kadib markii ay isku khilaafeen dhanka dhaqaalaha kooxda ayaa loo arkaa in uu yahay shaqsiga ugu cadcad ee badali kara Solskjaer hadii la badalo tababare.

Ka hor kulanka sabtida ee Spurs, Red Devils ayaa ku jirta kaalinta toddobaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League , iyadoo siddeed dhibcood ka hooseysa kooxda hoggaanka haysa ee Chelsea.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here