Hordhac

Qatar, waa wadan bulsho ahaan iyo balac ahaanba aad u yar balse galaan-gal dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo aad loola fajacay kuyeeshay aduunka 20-kii sanno ee ugu danbeeyay. Wadankaan yar waxuu waayahan danbe tiir dhexaad u noqday iskusoo-dumida ama dhex-dhexaadinta qilaafaadka, dajinta iyo jaangoynta siyaasadaha iyo hab maamulka dowlado badan. Doorka xalinta qilaafaadka ee Qatar ayaa xilliyadaan danbe gaaray ama kahormaray kuwa dowladaha ugu awooda badan caalamka waana sababta keentay inay dowladahaas xal bidaan inay Qatar uga danbeeyaan xal u helida mushkilado farabadan oo ay ugu horeyso arrinta siideynta maxaabiista kujirtay gacan Jabhat Al-Nasr, shabakada Xaqqani, ISIS iyo Taalibaan. Qatar waxay aduunka ka iibisay in wadahadal lala-galo Taalibaan, waana dalkii koowaad ee ugurmaday Taalibaan oo sabab u noqday howl-galinta gagida diyaaradaha dalka iyo xafiisyada kale ee dowlada ayadoo dhowaanahan kuguuleysatay inay shir balaaran iskugu keento Midowga Yurub, Mareykanka, wakiilada Qaramada Midoobay iyo Ingiriiska kuna qanciso balanqaadka yabooh dhaqaale oo ay Afghanistan iyo Taalibaan baahi badan u qabaan xiligan. Qatar waxay ka libin keentay go,doomintii ay xulufada Sucuudiga saareen ayadoo gurmad ka helaysa dalal ay kasbatay.

Juquraafi ahaan

Qatar waa wadan yar oo kuyaala galbeedka qaaradda Aasiya, marka Soomaaliya lala barbar-dhigana balac ahaan kanoqonnaysa wax-kayar 2% dhulka Soomaaliya ama 15 jeer balac ahaan  kayar magaalada Washington ee dal Mareykanka, waana dal ay dadka soo galootiga ah ee usoo shaqo tagay ay siddeed jibbaar ka badan yihiin muwaadiniinta dalka u dhalatay oo lagu qiyaaso wax-kayar 400,000. Qatar waa dal cimilo ahaan kulul, dhulkiisa inta ugu badanna uu saxaro yahay oo ay kuyar yihiin biyaha dabiiciga ah iyo dhul beereedka wax-soosaarka leh. 

Xukunka 

Qatar, waxaa xukunkeeda gacanta kuhaya Amiir Tamim Bin Hamad oo sannadkii 2013-kii uu xukunka ku wareejiyay aabihiis Hamad Bin Khalifa oo qudhiisa xukunka af-gambi uusan dhiig ku daadan ugala wareegay aabihiis Khalifa Bin Hamad sannadkii 1995-kii mar uu dalka safar uga maqnaa. Qatar, waa dal aysan kajirin fur-furnaan siyaasadeed oo dhanka xisbiyada ah, Amiirka oo gacanta kuhaya hay’adaha sharci dajinta, fulinta iyo garsoorka, ayaa soo magaacaba raysal-wasaaraha iyo xukuumada dalka asagoo la tashanaaya golaha wadatashiga dalka oo u badan qoyska boqortooyada ah. Hadana, wuxuu dalkan ku najaxay xasilooni sidaasadeed iyo horumar baahsan oo dhanka bulshada ah.

Dhaqaalaha 

Qatar waxay hodon kutahay kheyraadka dabiiciga ah sida saliidda iyo gaaska oo wax-soosaarka dhaqaalaha dalka 90% ka ah. Qiyaastii 30% gaaska aduunka laga isticmaalo waxuu ka imaadaa Qatar ayadoo keydkeeda saliidda lagu qiyaaso (25 bilyan oo fuusto). Qatar waa dalka ugu horeeya dhanka soo saarista iyo dhoofinta gaaska waana dalka saddexaad ee keydka gaaska ugu badan leh marka laga tago Russia iyo Iran. Dhaqaale aad u balaaran oo ay garab-socdaan maamul iyo maareyn aragti fog leh ayaa u horseeday inuu dalkaas kamid-noqdo kuwa ugu dhaqaalaha, horumarka bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, dhismayaasha iyo xasiloonida fiican Bariga-dhexe iyo aduunka, muwaadiniinta u dhashay Qatar oo tiro ahaan aad u kooban ayaa qiyaas ahaan noqonaya dadka ugu dhaqaalaha badan aduunka marka loo –eegaayo qoondada shaqsi kasta kusoo aadaysa (GDP Per capita).

Qatar oo dhaqaalaheedu ku tiirsanaa wax-soosaarka tamarka saliida iyo gaaska, waxay goorhore dareentay in caalamku doonayo inuu yareeyo isticmaalka tamarta gaaska iyo batroolka si loo dhimo waxyeeladiisa deegaanka iyo noolaha. Hadaba, si ay u yareyso kutiir-sanaanteeda shidaalka, waxay daaha karogtay mashruuca loo yaqaano ‘kala duwista dhaqaalaha’ ama (Economic diversification), kaasoo lacag gaareysa 400 oo bilyan oo dollar uu Sanduuqa Hantida Madaxa-banaan (sovereign wealth fund) ee Qatar ku maalgaliyey kudhowaad 40 dal oo ay ugu horeeyaan Mareykanka, Ingiriiska, Rushka, Jarmalka, Faransiiska iyo Turkiga. Meelaha miisanka leh ee ay Qatar maalgashiga ku sameysay saamigana ku leedahay waxaa laga xusi karaa airport-ka London ee Heathrow, shirkada diyaaradaha British airways, Bangiga Barclays, shirkada baabuurta Jarmalka ee Volkswagen iyo bangiga Deutsche Bank, Rwand-air iyo Kigali airport, airport-ka caalamiga ah ee Moscow Vnukovo iyo shirkadda tamarta Rosneft, kooxda k/cagta ee Paris saint Germain iyo suuqa sarifka saamiyada ee Turkey-ga.

Siyaasadda 

Qatar, 20-kii sanno ee ugu danbeysay waxay lasoo baxday dar-dar xoogan oo dhanka siyaasadda arrimaha dibeda ah, gaar ahaan naq-shadaynta siyaasadda Bariga-dhexe oo ay ciyaarayso door lala fajacay. Quburada falanqeysa siyaasadda iyo awooda dowladaha waxay awooda dal uu leeyahay ka fiiriyaan baaxadda dhulka iyo muhiimada goobta uu aduunka kaga-yaalo dalkaas, tirada bulshada iyo aqoontooda, tirada iyo cududa ciidanka dalkaas, hufnaanka iyo taageerada ay dowlada dalkaas ka haysato shacabkeeda iyo kheyraadka dabiiciga ah iyo wax-soosaarka uu wadanku leeyahay. 

Qatar marka lagu cabiro halbeeg-yadaas, malahan bulsho tiro badan, ciidan cudud leh, mana lahan dhul baaxad weyn laakiin waxay leedahay kheyraad dabiici ah oo u horseeday koror dhaqaale iyo hanaan dowladeed oo xasiloon wallow aysan kajirin furfurnaan baahsan oo dhanka siyaasada ah, waxayna kutaalaa gobol 30-kii sanno ee ugu danbeysay hareeyay siyaasadda iyo aminga aduunka. Hadaba, sidee dal sida Qatar oo kale u yar ugu suuragashay inuu hindiso siyaasada lagu maamulayo dalal badan oo aduunka kuyaala? sidee kunoqotay dalka waqtigaan ugu firfircoon dhanka dhex-dhexaadinta khilaafaadka dalalka iyo kooxaha is-haya? Maxay ku kasbatay inay Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadka kaga hormarto siyaasadda gobolka? Side ayey uga bad-baaday go,doomintii xulufada Sacuudiga? Sidee iskaga leexisay eedahii lagu xiriiriyay ururada arga-gixisada?

Go,aannada lidka isku ah ee Qatar qaadatay

Qatar oo adeegsanaysa diblomaasiyadda awoodda dabacsan ‘Soft Power diplomacy’ ayaa masraxa siyaasadda aduunka kusoo kordhisay in iskaashi iyo xiriir mar-qudha ah lala wada sameyn karo wadamo ama dhinacyo is-diidan oo dab iyo baaziin isku ah ayadoon dhinac gaar ah u xaglinayn ama aanan la safan. Go,aanada iyo xiriirada qar iskatuurka ah ee Qatar qaadatay waxaa laga xusi karaa:

  • Saldhiga ciidamadda cirka Mareykanka Al-Udeyd iyo iskaashiga Iran: Qatar waxaa kuyaala saldhiga ugu weyn ee ciidanka cirka Mareykanka ee Bariga-dhexe, misna waxuu xuduud dhuleed, xiriir ganacsi, mariin hawada ah iyo mid siyaasadeed la leedahay dalka Iran oo aysan cidna ka daahsoonayn heerka cadaawad soojireen ee kala dhaxaysa Mareykanka. Hadaba, sidee Qatar ugu hirgashay inay labadaas dal weel waxkula wada cunto ayadoon midkoodna sigaar ah ula safan ama u goyn?
  • Kamid ahaanshaha Golaha Iskaashiga Khaliijka & xiriirka Aq-waanul Muslimiin: Sida la og-yahay, Qatar waa dal kamid ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), oo ah wadamo ay ka arrimiyaan boqoro qaab dhiig-wadaag ah iskugu gudbiya xukunka, kuwaasoo fal-celin adag kula kaca cid-walba oo soo haweysata kuraastooda ama kasoo horjeesata. Ururka Aq-waanul Muslimiin oo faracyo iyo taageero badan kuleh wadamo badan oo dhulka Carabta ah ayaa mudodheer aad ugasoo horjeeday xukunka boqoradan asagoo rumeysan in xukunkoodu baalmarsan yahay danaha iyo rabitaanka ummada Islaamka taasoo ugu danbeyn horseeday in dalalka Sacuudiga, Masar iyo Imaaraadku 2014-kii u aqoonsadaan urur arga-gixiso ah. Qatar oo ayaduba dal boqortooyo ah ayaa sida lahayo soodhaweyn iyo taageero weyn u fidisa ururka Aq-waanul Muslimiin gaar ahaan dhaq-dhaqaaqyadii dhicisoobay ee Masar, Libya iyo Syria. Yaanan iloobin in xubnaha ugu waaweyn ee ururkan oo uu kamid yahay sheikh Yusuf Al-qardaawi ay kunool yihiin dalka Qatar. Hadaba Soo wax lala yaabo maahan inay Qatar kamid tahay Golaha Iskaashiga Khaliijka misna naas nuujiso Aq-waanul Muslimiin oo lid ku ah xukunka boqoradaan?. Siyaasad kale oo cajiib ah iskadheh!
  • Qaddiyada Falastiin iyo xiriirka Israail:Waxaa la sheegaa in Qatar lagasoo bilaabo 1996-kii ay xiriir hoose oo iskaashi dhanka ganacsiga iyo ciyaaraha ah la laheyd Israel wallow uu xiriirkaas heerar kaladuwan soomaray, ayadoo aanan ka tanaasulin qadiyada dadka reer Falastiin. Qatar sida la ogyahay waxay si furan oo aan gabasho laheyn u taageerta dadka kunool Gaza ee hoostaga ururka Xamaas ayadoo bixisa yabooha ugu badan ee dhaqaale, halka uu waliba in mudo ah dalkeeda kunool-yahay hogaamiyihii Xamaas Khalid Mishcal oo hada xilkaas ku wareejiyay Ismaaciil Haniya. waliba ku darso in dowladaha reer Gabeedku Xamaas ugu jirto liiska arga-gixisada. Hadaba, soo layaab kale maahan in Israel iyo Xamaas midba dantiisa gaarka ah lagula macaamilo?
  • Xiriirka dalalka reer Galbeedka iyo ururada Taliban, Jabhat Al-Nusra, iyo Shabakadda Xaqaani: Qatar waxay xiriir xoogan oo dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, difaaca, dhaqanka iyo siyaasadaba mudo dheer la laheyd wadamada reer Galbeedka oo qarnigan awooda aduunka gacanta ugu jirto. Gulufkii loogu magac daray ‘dagaalka argagixisada’ ee Mareykanku iclaamiyay waxaa dowladaha lahordhigay laba doorasho oo aheyd waxaad la jiraysaan Mareykanka iyo xulufadiisa ama wadamadii iyo kooxihii uu duulaanku ku wajahnaa oo uu ku shabadeeyay argagixiso iyo taageerayaal argagixiso. Waxii markaas ka danbeeyay waxaa wadamada aad ugu adkaa in lagu tuhmo ama ay cilaaqaad la sameeyaan kooxahaas.  

Laakiin Qatar oo kucaana-maalaysa siyaasadeeda dabacsan oo iskugujirta howlgalka furan iyo midka daahsoon (overt & covert operations) ayaa xiriir iyo wadaxaajood kaladuwan la sameysay kooxaha Jabhad Al-Nusra, Haqqani,Talibaan iyo maamulka Bashar Al-asad ayadoo ku guulaysatay inay soo dayso laheystayaal farabadan oo iskugujira suxufiyiin, askar, samafalayaal iyo qeybo kale. Inkastoo ay Qatar la kulantay eedayn ah inay gacansaar la leedahay ururadaas hadana wey kuguulaysatay inay wadamada reer Galbeedka ku qanciso inuusan xiriirku dhaafsiis-nayn mid u kala dab-qaadis iyo isku soodhaweyn ah taasoo dalalka reer Galbeedka tusisay in Qatar tahay balaayo loo baahan yahay. Tusaale waxaa arrintan u noqon kara sidii ay Qatar ugu kala dab-qaaday Mareykanka iyo ururka Talibaan markii ay suuragalisay in lasii daayo askarigii Mareykanka ahaa Bowe Bergdahl oo ay Taalibaan ku badalatay 6 xubnood oo ku xirnaa xabsiga Guantanamo Bay oo maanta qeyb ka ah xukuumada KMG ah ee Taalibaan oo ay xigtay yag-leelida Xafiiska Taalibaan ee Doha oo ugu danbeyn suuragaliyay inay Qatar, Mareykanka iyo Talibaan wada dajiyaan qorshahii bixitaan ee Mareykanka.

  • Doorka iddaacada Al-jazeera iyo dhaqanka siyaasadda Qatar: Waxaa adag in laga hadlo awooda iyo saameynta Qatar ayadoon lasoo hadal qaadin idaacadda Al-Jazeera. Qatar ayaa sannadkii 1996-kii ku guuleystay inay dhidibada u taagto iddaacada Al-jazeera Carabiya kadib markii ay iskusoo aruurisay shaqaalihii Carbeed ee laga ruqseeya iddaacada BBC-da laanteedii Bariga dhexe. Al-Jazeera ayaa durba soo jiidatay dareenka shacabka Carabta ayadoo xog-aruurin la sameeyay waqtiyar kadib lagu ogaaday inay idaacaddan ku xiran yihiin dad lagu qiyaasay boqolaal milyan ah oo ku nool dalalka Carabta kuwaasoo markii ugu horeysay fursad u helay idaacad leh warar, barnaamijyo kaladuwan iyo doodo kulul oo aan faaf-reeb laheyn ama ka madax-banaan gacmaha dowladahooda. Qatar oo doonaysa inay aduunka gaarsiiso aragtideeda siyaasadeed, dhaqan dhaqaale iyo horumarka ay ku talaabsatay ayaa markale sannadkii 2006-dii daaha ka rogtay laan kubaxda luuqadda English-ka oo aduunka ku leh wax kabadan 70 xarumood.

Tv-ga Al-jazeera waxaa Loolan xoogan oo dhinacyo badan ah lagalay Tv-yada Al-Carabiya, Skynews Arabiya, Arabnews iyo kuwakale oo ay taageerayaan Sacuudiga iyo Imaaraatka laakiin sida muuqata kama libin keenin. Al-Jazeera waxay noqotay meel ay codkooda kusoo gudbiyaan dad badan oo aduunka daafaheeda kunool kuwaasoo caburin iyo xad-gudubyo kala kulmayey dowladahooda ayadoo doorweyn ku laheyd kicinta iyo dhiiragalinta dadkii Carbeed ee ka qeyb-qaatay banaanbax-yadii iyo dagaaladii ka dhacay Masar, Libya, Tunusia, Yemen iyo Syria taasoo ay ku mutaysatay dareen taageero iyo cadaawad leh. Sannadkii 2017-kii, waxaa Qatar xiriirka u jaray Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar oo mudo ka cabanayey doorka Al-Jazeera ee gobolka gaar ahaan habka qayaxan ee ay ururka Aq-waanul Muslimiin iyo Shiicada Carabta kasoo jeeda u adeegsadaan Al-Jazeera, sharuudahoodana kusoo daray in albaabada la iskugu dhufto idaacaddan, wallow uu iskudaygaas dhicisoobay maadaama uu xiriirka dowladahaas iyo Qatar dib usoo laabtay ayadoo aan la dhaqangalin sharuudahaas iyo kuwa kaleba. Hadaba, layaab kale ayaa ah in iddaacada Al-jazeera u ololeyso hirgalinta maamul dimuquraadiyadeed oo ay asal u tahay doorasho xor iyo xalaal ah, tartan xisbiyo iyo fur-furnaanta afkaarta dadweynaha taasoo aan ka jirin Qatar qudheeda loona turjuman karo oraahdii aheyd ‘Cilmigeyga qaado oo camalkeyga ka tag’.

Gunaanad

Qatar oo adeegsanaysa xeelado ay gadaal kataagan yihiin maalgashi uu horbood kayahay sanduuqa hantida madaxa banaan (Soveriegn wealth fund), iskaashi iyo fur-furnaan dhaqanka iyo waxbarashada ah, awooda saxaafada, hal abuurida madal sharafeedyo lagu dhiiragalinayo shaqsiyaadka u ololeeya nabadda, ladagaalanka musuqa iyo wada-noolaanshaha diimaha ayaa Qatar ka dhigay dal wax laqeybsada wadamada ugu cududa weyn aduunka. Sida muuqata Qatar waa dal yar oo sawir iyo fahan buuxa ka haysta sida loogu noolaan karo caalamka ayadoon cadow iyo saaxiib dhab ah midna la sameysan waana mida uu ku muteystay inuusan albaab-na ka xirmin. Qatar waxay sannadka soo socda marti galin doontaa koobka aduunka ee k/cagta kaasoo qiyaas ahaan ay kasoo qeyb-gali doonaan taageerayaal kor u dhaafaya 3 milyan oo qof waxaana arrintaan hirgalkeeda suuragal ka dhigay dabacsanaan, shaah u shubid iyo xod-xodasho xeeladeysan oo lagu qanciyey dowladihii iyo shaqsiyaadkii ay talladu ka go,day.

Hadaba, waxaa dalkaan yar laga baran karaa inaysan awoodu ku xirnayn weynida, dhaqaalaha iyo cududa ciidan ee dal uu leeyahay kaliya balse loo baahan yahay firfircooni, rabitaan iyo ka go,naansho inaad raad iyo saameyn ku yeelato dhacdooyinka aduunka ah. Qatar maanta waxay udub dhexaad u tahay jaangoynta xasiloonida, siyaasada, dhaqaalaha iyo cilaaqaadka aduunka ka dhacaya. 

W/Q: Xamdi Wardheere Maxamed
zudeys9@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan dalkaan. dalkaan, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here