Xaalada Manchester United ka jirta ayaa heysata guud ahaan Caalamka gaar ahaan Cinwaanada hore ee warbaahinta ugu weyn Ciyaaraha waxaana jira Saameyn dhicidoonta hadii isbadal lagu sameeyo Kooxda.

1 Ole Gunnar Solskjaer

Hadii Macalinka Hada uu badiyo Kulamada soo Socda Manchester United waxay badelidoonta Fakarka ah in Shaqada laga Ceyriyo Ole Gunnar Solskjaer.

Hadii Shaqada laga Ceyriyo waxaa la Magacaabidoonaa midkood Zidane ama Antonio Conte taasi oo Keeni karta in Boosas badan oo Kooxda isbadal lagu sameeyo sida warbaahinta tabineysa waxaa kamid ah Cristiano Ronaldo oo Macalimiintan u arkaan inuu yahay Qof Da’ah oo aanan la qabsan karin Kubada ka jirta Premier league-ga ah.

Antonio Conte

Macalinka Reer Italy hadii La Magacaabo waxaa loo badinayaa in Seefta toos u qaadi karto Xidigan iyadoo laga doorbidayo Xidigaha kale ee Kooxda waxaana fursad helaya Jesse Lingard iyo Sancho oo hada keydka ku jira.

Zinedine Zidane

Tabaraha Reer France ayaa Ronaldo kula soo Macaamilay Real Madrid fursada uu siin karo Ronaldo ayaa ah kala bar waana sababta uu CR7 u doonayo in Macalinkan la keeno Kooxda.

Taariikh ahaan inta uu joogay Real Madrid Zidane ayaa sameeyay wax walbo marka laga reebo inuu soo saaro Xidigaha yar yar ee Kooxda ku sugnaa.

Ugu Danbeyn ma jirto Qorshe Manchester United ku Ceyrineyso Macalinkooda ilaa Kulamada soo socda Marka laga reebo waxa warbaahinta iska qorayaan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here