Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in lagu argaliyay War Cusub oo ku aadan Coman xilli Bayern Munich ay isku diyaarinayso in ay jarto khasaaraha ka soo gaadhay Kingsley Coman .

25-sano jirkaan ayaan weli kordhinin joogitaankiisa Bavaria wixii ka dambeeya 2023, wuxuuna u muuqdaa mid aan ku dhowayn inuu qandaraaska u kordhiyo kooxda heysata horyaalka Bundesliga.

Manchester United ayaa si aad ah loola xiriirinayay Coman ka hor inta aysan keensan Jadon Sancho , laakiin xiddiga reer France ayaa wali loo maleynayaa inuu ku jiro radarka Liverpool, iyadoo mustaqbalka Mohamed Salah uu yahay mid aan la hubin.

Sida laga soo xigtay AS , dalabaadka mushaharka ee Coman ayaa sababay inay istaagaan wada xaajoodyo heshiis kordhin ah oo uu kula jiray Bayern, kooxda Julian Nagelsmann ayaa haatan raadin doonta inay iska iibiso weeraryahanka xagaaga soo socda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Coman uu doonayo ugu yaraan € 15m (£ 12.6m) sanadkiiba si uu ugu sii joogo Bayern – heshiis aysan kooxda Jarmalka diyaar u aheyn inay u soo bandhigto – waxaana ‘ka go’an’ inay u helaan iibsade kale sida Liverpool ka hor inta uusan si xor ah uga tagin 2023.

Coman ayaan weli ku soo bilaaban kulan Bundesliga ah xilli ciyaareedkan, iyadoo weeraryahanka uu dhawaan maray qaliin wadne garaac aan joogto ahayn.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here