Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha maanta oo aad maalin walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Everton iyo West Ham ayaa ka mid ah kuwa doonaya saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Inter Milan iyo xulka Croatia Ivan Perisic, oo 32 jir ah. (Fichajes)

Xiddiga qadka dhexe Angelo Fulgini oo ka tirsan kooxda Ligue 1 ee Angers ayaa soo jiidanaya xiisaha kooxaha Premier League ka dib markii 25 jirka reer France uu gool ka dhaliyay Paris St-Germain isbuucii hore. (Thesun)

Daafaca dambeedka midig ee reer Brazil Marcelo ayaa u sheegay Real Madrid inuu ka tagi doono kooxda dhammaadka xilli ciyaareedkan, iyadoo kooxda reer Brazil ee Fluminese ay u badan tahay inay u dhaqaaqdo 33 jirkaan. (El Nacional)

Tababaraha West Ham David Moyes ayaa ka digay in koox walba ay ku qasban tahay inay bixiso wax ka badan £ 100m si ay ugu istaagto fursad kasta oo ay kula soo saxiixan karto qadka dhexe ee reer England Declan Rice. Manchester Evening News)

Chelsea ayaa wax ka waydiisay helitaanka garabka Porto Luis Diaz laakiin Newcastle, Bayern Munich iyo Real Madrid ayaa sidoo kale la xidhiidhay wakiilada 24 jirka. (Nicolo Schira Twitterka)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Tanguy Ndombele, oo 24 jir ah, ayaa sheegay in kulan xiisad leh oo uu la yeeshay guddoomiyaha Daniel Levy uu badbaadiyay waayihiisii Tottenham Hotspur . (Thesun)

Wadahadaladii u dhaxeeyay Paul Pogba iyo Manchester United ee ku saabsanaa cusbooneysiinta qandaraaska ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France ayaa waxaa hakiyay wakiilka 28 jirkaan Mino Raiola. (AS )

AC Milan ayaa wadahadalo heshiis kordhin ah la gashay xiddiga qadka dhexe ee reer Ivory Coast Franck Kessie iyadoo 24 jirkaan uu weli ku xiran yahay kooxaha ugu waa weyn Yurub. (Calcio Mercato)

Daafaca dhexe ee Chelsea Antonio Rudiger ayaa la saadaalinayaa inuu ka tago Stamford Bridge xagaaga soo aadan iyadoo 28 jirka reer Jarmal lala xiriirinayo Juventus, Manchester City, Tottenham iyo Paris St-Germain . (Wettfreund)

Labada ciyaaryahan ee Arsenal Konstantinos Mavropanos, 23, iyo Matteo Guendouzi, 22, oo amaah ku jooga Stuttgart iyo Marseille siday u kala horreeyaan , ayaa la filayaa inay u dhaqaaqaan si joogto ah xagaaga dambe. (Football London)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here