Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarisay liis ay ku qoran yihiin saddex tababare oo ay ku bedeli karaan tababaraha haatan ee Ole Gunnar Solskjaer .

Ka dib markii ay 5-0 guul daro ay kasoo gaartay kooxda ay xafiiltamaan ee Liverpool axadii, kalsoonida Tabaraha reer Norway ayaa la kulmay cadaadis dheeraad ah ayuu ku yimid, ka dib markii Red Devils ay gashay heer aad u liita.

Sida laga soo xigtay The Mirror , madaxda Old Trafford ayaa haatan diyaarisay liis ay ku qoran yihiin seddex tababare oo macquul ah inay la wareegaan, waa haddii tababaraha hadda uu ku guuldareysto inuu wax ka bedelo kooxda.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Red Devils ay bartilmaameedkooda koowaad u aqoonsatay Zinedine Zidane , Antonio Conte iyo maamulaha Leicester City Brendan Rodgers , iyadoo Zidane iyo Conte labaduba ay haatan shaqo la’aan yihiin.

Waxay ka tageen Real Madrid iyo Inter Milan siday u kala horreeyaan iyadoo tababaraha reer Talyaani uu kooxda Milan ku hoggaamiyey horyaalkii ugu horreeyey ee Serie A muddo 11 sano ah xilli ciyaareedkii hore, ka dib markii uu saddex jeer Juventus la qaaday koob iyo Premier League oo uu la qaaday Chelsea, halka Zidane uu ku faano laba horyaal oo La Liga ah iyo saddex Champions League oo Real Madrid ah.

Rodgers ayaa la sheegay inuu weli bartilmaameed u yahay Manchester United, isagoo Leicester ku hoggaamiyey inay si joogto ah ugu dhammeysato kaalinta shanaad ee Premier League.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here