Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ku adkeystay inuusan la yaabin markii uu maqlay Mohamed Salah oo sheegay inuu doonayo inuu sii joogo kooxda inta ka dhiman xirfadiisa ciyaareed.

“Waan ogaa [Salah wuxuu doonayaa inuu Ciyaaraha ku soo Afjaro Liverpool]  lama yaabin inuu dhaho sababtoo ah waxaan la hadlaa waqti ka waqti, waana ogahay xaalada.”

Markii wax laga weydiiyay dhaawacyada, Klopp ayaa u sheegay Sky Sports News : “Milner waa muruqa, mana Ahan Dhaawac Weyn si kastaba waqti ma jirin ka hor inta uusan sameyn tababarka xiga Naby Keita isaga Waa Dhaawac culus lakin lama ogaan karo hada waxay qaadaneysa ilaa labo Maalin.

Dhaawacyada ayaa sii kordhinaya dhibaatada Liverpool ee khadka dhexe, iyadoo Fabinho , Thiago Alcantara iyo Harvey Elliott ay sidoo kale ka maqan yihiin Reds.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here