Chelsea ayaa doonaysa in ay u soo baxdo wareega 8 dhamaadka EFL Cupka marka ay Stamford Bridge kusoo dhawaynayso kooxda Southampton .

Blues ayaa tartanka soo gali doonta iyada oo 7-0 kaga badisay Norwich City sabtidii, halka Southampton ay barbaro 2-2 ah la gashay Burnley.

Wararka Labada Koox

Chelsea: ayaa markale waayi doonta adeega Romelu Lukaku , Timo Werner iyo Christian Pulisic kulankan, halka N’Golo Kante ay u badantahay in aan halis la galin karin dhibaato muruqa ah.

Tababaraha Blues Tuchel ayaa isbadal ku sameyn doona kooxdii ku soo bilaabatay kulankii Norwich ee Premier League, Malang Sarr , Kepa Arrizabalaga , Marcos Alonso , Hakim Ziyech , Saul Niguez iyo Ruben Loftus-Cheek ayaa ka mid ah kuwa la filayo inay kooxda soo galaan.

Kai Havertz ayaa mar kale laga yaabaa inuu dhexda ka ciyaaro, halka Reece James , Mateo Kovacic , Callum Hudson-Odoi iyo Trevor Chalobah laga yaabo inay booskooda kooxda sii haystaan.

Southampton: Jack Stephens ayaa mar kale ku maqnaan doona dhaawac jilibka ah, halka James Ward-Prowse uu weli diyaar u yahay kulankaan sababo la xiriira ganaax.

Tababaraha kooxda Hasenhuttl ayaa is badal ku samayn doona shaxdii uu kaga horyimid Burnley sabtidii, iyadoo Che Adams , Lyanco , Yan Valery iyo Nathan Tella ay kusoo bilaaban doonaan.

Stuart Armstrong ayaa kasoo muuqday kursiga keydka kulankii Sean Dyche , waxaana sidoo kale laga yaabaa inuu boos ka helo XI, halka Fraser Forster ay u badan tahay inuu soo galo dhanka ulaha dhexdooda.

Broja ayaa dhaawac cagta ah ka soo gaaray kulankii ay bar-baraha la galeen kooxda Burnley laakiin waxa uu seegi doonaa kulanka Chelsea si kasta oo uu taam u yahay, maadaama aanu weeraryahanku ka hor iman karin kooxda iska leh.

Shaxda Macquulka ee Labada Koox

Chelsea: Kepa; James, Chalobah, Sarr, Alonso; Loftus-Cheek, Kovacic, Saa’uul; Ziyech, Havertz, Hudson-Odoi

Southampton: Forster; Valery, Lyanco, Salisu, Perraud; Diallo, Romeu; Tella, Armstrong, Djenepo; Adams

Xaqiiqoyinka Labada Koox

Chelsea ayaa ka soo gudubtay labadii kulan ee League Cup ay la ciyaartay Southampton, iyadoo kulankii ugu dambeeyay uu dhacay 1997-98 – Blues ayaa 2-1 ku badisay garoonka Stamford Bridge..

Chelsea ayaa 3-1 kaga badisay Southampton kulan ka dhacay Stamford Bridge horaantii bishaan – kaliya hal mar ayay laba kulan gurigooda kula ciyaareen hal koox hal bil gudaheed taariikhdooda, sidaas ayayna ku sameeyeen Liverpool Janaayo 1997.

Chelsea ayaa ku dhacday heerkan oo kale koobka League Cup afar ka mid ah lixdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, oo ay ku jiraan mid kasta oo ka mid ah labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay ( vs Man Utd 2019-20 iyo Tottenham xilli ciyaareedkii hore).

Chelsea Vs Southampton

Tartanka EFL Cup

Saacada (21:45 pm Somalia) (20:45 pm Yurub)

Garoonka Stamford Bridge

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here