Qeybta sare ee Garoonka ayaa lagu qabtay Iyadoo Taageerayaasha Manchester United ay Garoonka iskaga Huleeleen Kulan la Xasuuqay Red Devils oo Garoonkeeda lagu Ciyaarayay.

Liverpool ayaa Kubad iyo Goolal iskugu dartay Manchester United iyadoo Xidiga Mo Salah uu dhaliyay Saddexley Halka Keita iyo Jota ay Labo Gool ku Dareen Ciyaar ku soo dhamaatay 0-5.

Manchester United ayaa Caawa Waxaa ka Muuqday Isku Dhexyaac Xoogan iyadoo Paul Pogba la siiyay Kaar Casaan Kadib markii uu Qalad Xoogan uu ku Galay Keita.

Sharaxaada Ciyaarta

Naby Keita ayaa Daah Furay Goolasha Liverpool isagoo Caawin ka Helay Mo Salah oo Caawa Dhaliyay Saddex Gool waxana Goolka Labaad ku daray Diogo Jota kaasi oo Dhameestiray Kubad Banaanka loo soo dhigay.

Dhamaadka Qeybta Hore Mo Salah ayaa dhaliyay Labo Gool 7 Daqiiqo Gudahood,  Kubad uu Banaanka soo dhigay  Naby Keita ayuu Dhamees tiray Daqiiqadii 38aad halka uu Goolka Labaad Raacsiiyay daqiiqadii  45+5aad iyadoo lagu kala nastay 0-4.

Xidiga Mo Salah oo Caawa ahaa Xidiga Ciyaarta ayaa Goolkiisa Labaad helay Daqiiqadii 50aad ee Ciyaarta isagoo Dhameestiray Kubad qurux badan oo uu ka Helay J. Henderson guud ahaan Kulanka ayaa ku soo dhamaaday 0-4.

Paul Pogba ayaa Qaatay Kaarka Cas isagoo Qeybta Labaad ku soo Galay Badal Sidoo Kale Ronaldo ayaa la siiyay Jaale.

Taageerayaasha Manchester United ayaa Garoonka iskaga Huleelay Caawa Iyadoo La arkayay Daqiiqadii 61aad oo banaanka u sii Baxayaan Taageerayaasha oo ka Carooday Xasuuqa ku Dhacay Manchester United.

Manchester United ayaa u dhacday Kaalinta 7aad ee Horyaalka iyadoo leh 14 Dhibcood Halka Liverpool ay soo gashay Kaalinta Labaad iyadoo leh 21 Dhibcood.

Shaxda Ciyaarta lagu soo bilaabay

Man Utd XI: Ronaldo, De Gea, Lindelof, Maguire, Fred, Shaw, Bruno Fernandes, Rashford, Wan-Bissaka, McTominay, Greenwood

Subs: Cavani, Matic, Pogba, Lingard, Bailly, Dean Henderson, Van de Beek, Dalot, Sancho

Liverpool XI: Milner, Henderson, Alisson, Firmino, Salah, Van Dijk, Robertson, Naby Keita, Jota, Alexander-Arnold, Konate

Subs: Adrian, Matip, Oxlade-Chamberlain, Minamino, Mane, Origi, Joe Gomez, Tsimikas, Curtis Jones

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here