Facebook

Guriceel (dalkaan) – Maamulka magaalada Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa si adag kaga hadlay dagaalka ka socda gudaha magaaladaasi ee u dhexeeya ciidamada maamulka oo kaashanaya kuwa dowladda iyo Ahlu Sunna oo dhinac ah.

Maamulka ayaa ugu baaqay dadka shacabka ah ee weli ku sugan gudaha Guriceel in aysan ka soo bixin guryahooda inta uu socdo howl-galka ka dhanka ah Ahlu Sunna Waljamaaca

Warka kasoo baxaya maamulka Guriceel ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda ay ku raadjoogaan Ahlu Sunna, si looga saaro halkaasi.

“Waxaan rabaa inaan baaq u diro reer Guriceel ee ku sugan magaalada dhexdeeda magaalada waxaa ka socda howl-gal Emergency ah howl-galkaas soo ciidamada dowladda ay ku raad joogaan amaba ay ku baacsanayaan qolooyinka ay nabaddu dhibtay waxaan u sheegeynaa markaa dadka reer Guriceel inay guryahooda ku nagaadaan ayna soo bixin inta uu socdo howl-galka, si loo kala saaro nabad diidka iyo dadka shacabka ah ee jooga magaalada dhexdeeda ,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay maamulka magaalada Guriceel.

Sidoo kale wuxuu maamulku baaq kale u diray dhalinyarada ka barbar dagaalameysa Ahlu Sunna Waljamaaca, waxayna ugu yeereen inay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda.

“Waxaan rabaa inaan baaq labaad u diro qolooyinka weli ku harsan meelaha yarka ah fara ku tiriska xabadaha kasoo ridayo inay si nabad ah isku soo dhiibaan.” ayuu sii raaciyey.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u  kacsan, waxaana haatan dagaalka oo ah mid goos goos ah uu ka socda dhinaca waqooyi ee magaaladaasi.

Guriceel oo ah magaallo ganacsi ayaa xudun u noqotay xiisadda ka taagan gobolka Galgaduud ee u dhexeyso Ahlu Sunna Waljamaaca iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Facebook


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here