Jurgen Klopp ayaa noqday tababarihii ugu dhaqsiyaha badnaa ee Liverpool ee gaara 200 oo guul isagoo maamulayay kooxda markii ay 5-0 ku xasuuqday Manchester United.

Tababaraha reer Jarmal ayaa si qurux badan u gaaray taarikhda, isagoo gaaray guushii ugu weyneyd ee Liverpool abid Man United kaga soo gaarto Old Trafford waxaana goolasha u kala dhaliyay Naby Keita , Diogo Jota iyo Mohamed Salah .

Klopp waa tababarihii afaraad ee taariikhda Liverpool ee gaara 200 boqol oo guulood isagoo raacay wadadii Tom Watson , Bill Shankly iyo Bob Paisley .

Si kastaba ha ahaatee, 54 jirkaan ayaa gaaray 200 guulood 331 kulan oo kaliya-waana in ka yar tababarayaasha kale ee Liverpool ee gaaray guushaas.

Klopp ayaa sidoo kale ah tababarihii ugu horeeyay ee taariikhda Liverpool ee 7 kulan oo xiriir ah oo horyaalka ah guuldaro la, aan ah kulankii Man United.

Sir Kenny Dalglish ayaa ah tababaraha kaliya ee ka roonaan kara guulaha Klopp ee boqolkiiba 60.42%, inkasta oo uu weli yahay 207 guul oo ka hooseeya rikoorka kooxda Shankly ee Reds.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here