Mohamed Salah ayaa sameyn doona taariikhi marka ay Liverpool u safarto Old Trafford si ay Axada ula ciyaaraan Manchester United kulan ka tirsan Premier League.

Weeraryahanka reer Masar ayaa si xamaasad leh ku bilowday xilli ciyaareedka 2021-22 wuxuuna durbaba magaciisa ku dhaliyay 14 gool iyo afar caawin 11 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan.

Salah ayaa sidoo kale shabaqa soo taabtay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ku ciyaaray Old Trafford-isagoo dhaliyay labo gool kulankii FA Cup-ka ee 3-2 looga adkaaday ka hor inta uusan shabaqa soo taaban kulankii ay 4-2 kaga badiyeen Premier League bishii May.

Hadii Salah uu shabaqa soo taabto kulanka axada, waxa uu noqon doonaa ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda Liverpool ee seddex kulan oo xiriir ah gool ka dhaliya Man United tartamada oo dhan.

Reds ayaa sidoo kale dooneysa inay barbareyso gooldhalinta isbuucaan, maadaama ay la mid noqon karaan rikoorka Manchester United ee ah inay dhaliyaan ugu yaraan seddex gool lix kulan oo Premier League ah oo ay marti ahaayeen.

Salah ayaa sidoo kale dhawaan xaqiijiyay inuu doonayo inuu sii joogo Liverpool inta ka dhiman xirfadiisa ciyaareed , isagoo qandaraaskiisa haatan ku eg yahay 2023.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here