Xiddiga Manchester United Bruno Fernandes ayaa shaki uu ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka Premier League ee ay isbuucaan la ciyaarayaan Liverpool.

Manchester United ayaa ka cabsi qabta in Bruno Fernandes uu seego kulanka axada ee Premier League oo ay la ciyaarayaan kooxda ay xifaaltamaan ee Liverpool.

sida ay wararku sheegayaan. Xiddiga reer Portugal ayaa wacdaro dhigay kulankii ugu dambeeyay ee Atalanta. Si kastaba ha ahaatee, hadda waxaa jira walaac laga qabo inuu taam u noqon doono kulankooda xiga Madama la arkay Isagoo Dhaawac kasoo gaaray Tabarka isla markana dhutinaya.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Portugal ayaa caawiyay shan caawin lixdii kulan ee ugu dambeysay oo uu u saftay kooxda iyo dalkiisa, waxaana ugu dambeeyay kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Atalanta habeenkii Arbacada.

Fernandes ayaa fure u ahaa in United ay ku badiso kulankaas 3-2, isagoo ka caawiyay inay kasoo kabsadaan 2-0.

Hase yeeshee, hadda, The Sun ayaa sheegeysa inay jirto cabsi kooxda dhexdeeda ah oo ah in kubadsameeyaha uu seegi doono kulanka axadda ee Liverpool.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here