(Pictures: Getty Images)

Manchester United weeraryahankeeda Marcus Rashford ayaa ku rajo weyn inuu wajaho Liverpool axada, xili laga Cabsi Qabo Dhaawac ahaan inuu Ku seego.

Rashford ayaa dhawaan ka soo laabtay qaliin garabka ah, kaasoo ka hor istaagay bilowgii United ololihii 2021-22.

23 jirkaan ayaa ku soo laabtay Leicester City Sabtidii, isagoo shabaqa soo taabtay ka dib markii uu bedel ku soo galay qeybtii labaad ee guuldaradii 4-2 ee Foxes.

ka dib markii uu ku soo bilowday kulankii Champions League-ga ee Red Devils ay Atalanta kula ciyaartay Old Trafford Arbacadii, isla markaana uu mar kale shabaqa soo taabtay kulankii ay 3-2 kaga badiyeen, xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa lagu qasbay inuu ciyaarta ka boxo kadib dhaawac lugta ag.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ciyaarta ka dib shaaca ka qaaday inuu ku rajo weyn yahay inuu Rashford diyaar u noqdo kulanka Axadda, Daily Mail ayaana warinaysa in Rashford uu sidoo kale kalsooni ku qabo inuu ciyaarta ciyaaro.

Rashford ayaa dhaliyay shan gool todobadii kulan ee ugu dambeysay oo uu ka horyimid Liverpool tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here