Madaxa Inter Milan Beppe Marotta ayaa sheegay in Romelu Lukaku uu u dhaqaaqay Chelsea si uu u labanlaabo mushaarkiisa.

28 jirkaan ayaa ku soo laabtay Stamford Bridge bishii Agoosto lacag rikoor ah sida ay wararku sheegayaan weeraryahanka reer Belgium ayaa ah kan ugu mushaarka badan Blues, isagoo isbuucii jeebka ku shubta £ 450,000.

Lacagtaasi waxay aad uga badan tahay qofka xiga ee ugu mushaharka badan Chelsea, kaas oo la rumaysan yahay N’Golo Kante , oo toddobaadkii qaata £ 290,000, Lukaku wuxuu kordhiyay mushaharkiisa qiyaastii £ 300,000.

Marotta ayaa u sheegay wargeyska Talyaaniga Corriere Della Sera : “Lukaku wuxuu u tagay si uu u laba jibaaro mushaarkiisa, gudaha Talyaaniga tirooyinkaan ma jiri karaan. Lukaku waxaa lagu iibiyay 115m waxaana ku iibsanay Dzeko lacag la’aan, garoonka dhexdiisa, farqi badan ma jiro”.

Lukaku ayaa ka caawiyay Inter inay ku guuleysato horyaalkeedii ugu horreeyay ee Serie A muddo 11 sano ah xilli ciyaareedkii hore, isagoo 24 gool ka dhaliyay horyaalka Talyaaniga, guud ahaan tan iyo markii uu yimid Milan sannadkii 2019, weeraryahanka ayaa wadar ahaan 64 gool u dhaliyay La Beneamata.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Belgium ayaa afar jeer shabaqa soo taabtay Chelsea xilli ciyaareedkan, lakiin haatan waxa uu wajahayaa muddo dhaawac ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here