Facebook

Kismaayo (dalkaan) – Xildhibaanada Jubbaland ayaa goordhow doortay senatarkii shanaad ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Daahir Yarow ayaa 59 cod ugu soo baxay kursigii ugu horeeyey ee afarta kursi ee ay doorashadeeda ka dhaceyso Kismaayo, wuxuuna ka guuleystay Cabdi Xuseen Cali.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda galayaa kursiga labaad oo ay ku tartamayaa laba musharax oo kale.

Jubbaland ayaa qorshaheeda uu yahay inay maanta soo gaba-gabeyso doorashada xubnaha Aqalka Sare, iyada oo horey u soo dooratay afar xubnood.

Doorashadan waxaa goob joog ah xubo ka socda guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, kuwaas oo kor joogto ka noqon doono doorashada Senatarada cusub.

Ammaanka ayaa dhinaca kale aad loo adkeeyey, iyada oo goobta ay ka socota doorashada la geeyey ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Booliiska ee Jubbaland.

Facebook


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here