Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ku dhawaaqay liiska xiddigaha ku tartami doona ciyaaryahankii ugu fiicnaa UEFA Champions League toddobaadkan xilli xalay iyo habeen hore la ciyaaray wareega saddexaad ee heerka Group-yada.

Afarta xiddig ee loolamaya usbuucan ayaa kala ah daafaca bidix ee Ajax ee Daley Blind, goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker, weeraryahanka RB Salzburg ee Okafor iyo daafaca dhexe ee Sporting Lisbon ee Sebastian Coates.

Aan ku bilawnee Blind ayaa kamid ahaa kooxdii Ajax ee 4-0 kaga soo adkaatay Borussia Dortmund isaga oo gool iyo caawin soo sameeyay.

Dhinaciisa goolhaye Alisson ayaa walow ay laba gool shabaqiisa la gaadhay Atletico Madrid hana badbaadino saddex ah oo guusha ka caawiyay kooxdiisa Liverpool kasoo sameeyay ciyaartii ka dhacday habeen hore gegida Wanda Metropolitano.

Daafaca dhexe ee Sporting ee Sebastian Coates ayaa laba gool usoo dhaliyay kooxda caasimada Portugal habeen hore iyaga oo guul 4-1 ah kasoo gaadhay dhigooda Turkish-ka ah ee Besiktas oo ay marti u ahaayeen.

Xiddiga afraad ee liiska dhammaystiraya ayaa ah dhaliyaha RB Salzburg ee Okafor oo sabab u ahaa inay kooxdiisu saddexda dhibcood xalay ka wada qaadato Wolfsburg oo ay 3-1 kaga guuleysteen.

Ugu dambayn, xiddigaha wacdaraha soo dhigay balse laga reebay liiskan ayaa laga xusi karaa Mohamed Salah oo laba gool kasoo dhaliyay Atletico, Vinicius oo laba gool iyo caawin kasoo sameeyay kulankii Real Madrid ka adkaatay Shakhtar iyo Leroy Sane oo xalay laba gool iyo caawin ku kala gooyay Benfica.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here