Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa qiray inuu filayo in Romelu Lukaku iyo Timo Werner ay waqti ku maqnaan doonaan dhaawacyo.

Inkastoo Blues ay 4-0 kaga badisay Malmo tartanka Champions League, Lukaku iyo Werner ayaa labaduba laga saaray qeybtii hore ee ciyaarta.

Lukaku ayaa dhaawac ka soo gaaray canqowga halka Werner uu soo gaaray dhaawac muruqa ah 20 daqiiqo ka dib.

Inkastoo aysan awoodin inay siiyaan waqti cayiman oo ay ku soo laabtaan, Tuchel ayaa soo jeediyay in labada ciyaaryahanba ay seegi doonaan Premier League Sabtida ay la ciyaarayaan Norwich City.

Isagoo la hadlayey BT Sport , Tuchel wuxuu yiri: “ canqowga  ayuu Dhaawac ka yahay Romelu, iyo dhaawac muruqa oo soo gaaray Timo, marka maalmo ayay maqnaan doonaan ayaan filayaa.

“ kaliya Christian Pulisic ayaa dhaawa  nooga maqan, laakiin qof walba waan tabnaa.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here