Jens Lehmann ayaa kula taliyay Arsenal inay lasoo wareegto Xidiga Kooxda Borussia Dortmund ee Erling Braut Haaland si uu ugu biiro Emirates Stadium xagaaga soo socda.

21-jirkan ayaa ka mid ah weeraryahannada loogu doon doonista badan yahay caalamka, waxaana ka mid ah Chelsea , Manchester City , Manchester United , Bayern Munich iyo Real Madrid kuwaasi Xiiseenaya.

Haaland ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda ka dhisan Bundesliga xagaaga 2022 markaas oo qandaraaskiisa lagu burburin karo 64 milyan oo ginni uu noqdo mid firfircoon Lehmann – oo 179 kulan u saftay Dortmund intii u dhaxeysay 1999kii iyo 2003dii – ayaa aaminsan in Gunners ay u tartameyso soo xerogelinta xiddiga reer Norway.

“Wali wuxuu joogaa [Dortmund], ma jiraan kooxo badan oo uu aadi karo iyo meesha uu isbadal ku sameyn karo, waxaa laga yaabaa inuu aadi karo Manchester United ama Arsenal, halkaasoo uu koox dib ugu soo celin karo hogaanka”.

Haaland ayaa dhaliyay 70 gool 69 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan Dortmund, oo ay ku jiraan 13 gool 10 kulan oo uu ciyaaray ololahan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here