Muqdisho (dalkaan) – Madaxweyne Maxaxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii u dhaxeeyay, sida uu shaaciyey xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibrahaim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in labada mas’uul ay isku raaceen qodobadan.

1- In ayada oo la eegayo dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka, ay madaxda isku raaceen in la dardar geliyo howlaha doorashooyinka.

2- Inay si buuxda u wada shaqeyeaan hay’adaha amniga dalka, si loo sugo amniga doorashada loogana hortago kooxaha argagixisada.

3- In wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur uu sii wato shaqadiisa, oo aanay waxba iska beddelin.

4- In Jeneraal Bashiir Goobe, oo uu Rooble horey ugu magacabay taliyaha NISA, loo magacaabo wasiiru dowle.

5- In Yaasiin Farey uu ahaado sii-hayaha xilka taliyaha NISA, inta uu Farmaajo kasoo magacaabayo taliye cusub oo lasoo marsiinayo Golaha Wasiirada, si ay u ansixiyaan.

6- In kiiska Ikraan Tahliil Faarax loo daayo hay’adaha caddaaladda iyo garsoorka.

Hoos ka daawo afhayeenka xukuumadda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here