Xidighii Hore ee Arsenal weeraryahanka Thierry Henry ayaa shaki badan ka muujiyay rajo Gunners ee u soo bixitaanka Europe League xilli ciyaareedka 2022-23.

Kooxda Mikel Arteta ayaan laga badinin shan kulan oo Premier League ah laakiin waxay ku qasbanaadeen inay ku tiirsanaadaan goolka Alexandre Lacazette kaasi oo waqtiga dhimashada badbaadiyay kulankooda ugu danbeeyay.

Bandhigii foosha xumaa ee Arsenal ee Emirates ayaa mar kale horseeday in su’aalo laga weydiiyo maamulka, gooldhaliyaha ugu sarreeya kooxda Henry ayaa dhawaan qirtay inuu ka walaacsan yahay jihada uu Arteta u qaadayo Gunners.

Markii la weydiiyay haddii Arsenal ay rajo ka qabto inay ku dhammeysato 7-da sare ee CBS Sports ka dib barbarihii ay la gashay Palace, Henry wuxuu ku jawaabay: “Ma ahan wixii aan dhawaan arkay”.

Arsenal ayaa 11 dhibcood ka heshay sideedii kulan ee furitaanka Premier League si ay u fadhiso kaalinta 12aad ee miiska kala sareynta

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here