Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay ku biirtay loolanka loogu jiro weeraryahanka Dallas Ricardo Pepi .

18 jirkaan ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxdiisa MLS xilli ciyaareedkan, isagoo shabaqa soo taabtay 13 jeer 27 kulan oo uu saftay.

Ajax ayaa la rumeysan yahay inay baadi goobeyso weeraryahankan, kaasoo dhawaan daaha ka rogay inuu damacsan yahay inuu u dhaqaaqo koox hoggaamineysa Yurub mustaqbalka, iyadoo Real Madrid iyo Chelsea lagu sheegay meelaha suurtogalka ah.

Sida laga soo xigtay CBS Sports , Liverpool ayaa sidoo kale ku jirta liiska Pepi, iyadoo Reds ay si dhow ula socoto bandhigiisa Waqooyiga Ameerika.

Dhanka kale, warbixinta ayaa sheegeysa in Bayern Munich , Inter Milan iyo Borussia Dortmund ay aad ula dhacsan yihiin xiddigan.

Pepi, oo weli ay ka harsan tahay shan sano heshiiskiisa haatan, ayaa dhaliyey 16 jeer wuxuuna diiwaangeliyay afar caawin 55 kulan oo uu u saftay Dallas tartamada oo dhan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here