Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay la soo wareegto Youri Tielemans sanadka soo socda laakiin waxaa laga yaabaa inay ku dhibtoonaato inay hesho ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City sababo la xiriira dhibaatooyin dhaqaale.

Mustaqbalka Tielemans ayaa haatan si weyn loo hadal hayaa, iyadoo kooxo badan oo ay ku jiraan Real Madrid iyo Manchester United loo malaynayo inay xiiso u muujinayaan xiddiga reer Belgium.

24 jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan ee King Power Stadium waxa uu dhacayaa bisha Juun 2023, Foxes ayaana u muuqata inay ku dhibtoon doonto inay sii haysato iyada oo ay jirto xiisaha sii kordhaya ee adeegiisa.

Sida laga soo xigtay Mundo Deportivo , Barcelona ayaa ka go’an inay la soo wareegto ciyaaryahanka reer Belgium laakiin waxaa ku adkaan doonta inay iska bixiso qiimihii 46 milyan oo ginni ahaa oo ay dejisay kooxdii hore ee Ingiriiska.

Kooxda Ronald Koeman ayaa la sheegay inay bartilmaameedsanayso xiddig cusub oo khadka dhexe ah inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, iyadoo seegtay Georginio Wijnaldum oo ku biiray Paris Saint-Germain xagaagii.

Tielemans ayaa qaab ciyaareed aad u xooggan u ah Leicester bilowgii xilli ciyaareedka 2021-22 Premier League, isagoo dhaliyey laba gool isla markaana caawiyey laba kale sideed kulan oo uu saftay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here