Muqdisho (dalkaan) – Wararka laga helayo Villa Somalia ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu weli ku dhagan yahay inay doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose ka dhacdo labo magaalo maamul goboleed walba.

Farmaajo ayaa gacanta ku hayey maamulka doorashada iyo mida amniga markii la saxiixay heshiiskii 17-kii September, balse maanta waxba gacanta uguma jiraan.

Dad badan waxay sugayeen in uu ka tanaasuli doono fikirka labo deegaan doorasho oo uu walaayada saaran doono madaxda maamulada ee saaxiibadiisa ah oo caasimadaha maamul goboleedyada lagu qaban doono doorashada, hase ahaate Farmaajo weli waxa uu taagan yahay labo deegaan doorasho.

Waxaa la is weydiinaya waxa ku riixaya arrintaan?, falanqeeyayaasha siyaasaddu waxay doodaan ku soo koobeen afar qodob oo kala ah;

1. Dib u dhaca doorashada: madaxweyne Farmaajo waxaa lagu eedeynaya inuu weli gadaal uga fadhiyo doorashada, waxaa laga ciideeyay labo sano oo muddo kororsi ah, balse wuxuu hadda ku sii siqaya in uu qaato hal sano oo muddo kororsi ah oo billooyin uga dhiman yihiin.

In doorashada sii daahdo waxay u tahay inuu muujinayo cududa ah inuu qaatay muddo kororsigii qoriga looga hor istaagay, wuxuu doonaya inay mucaaridka quustaan oo dhiig bax dhaqaale la kulmaan, siyaasad ahaana sii kala tagaan. Mar walba oo ay doorashada daahdo waxa uu uga dhex jeeda fursad muddo kororsi iyo mid hoos u sii dhigeysa itaalka mucaaridka.

2. Fashilinta kaalinta Ra’iisul Wasaare Rooble: waxaa la sheegaya in madaxweyna Farmaajo uu rabo inuu dib u soo ceshado hogaamintiisa doorashada, taas oo laga qaaday bishii May ee sanadkaan, waxaa la sheegay inuu aaminsan yahay inay culus tahay labo deegaan doorasho, si gaar ah inay Rooble ugu culus tahay.

Waxaa lagu eedeyay inuu rabo ku dhaganaantiisa labo deegaan doorasho inay keento in Rooble gacan ka taago hogaaminta doorashada uu markale halkaas fursad ka dhex helo.

Hogaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen waa xubinta ugu weyn ee hadda miiska siyaasada ka difaaca aragtida labo deegaan doorasho. Axmed Qoor-Qoor ayaa sidoo kale si aan xoog badneyn u qaba labo deegaan doorasho, waxaase loo arkaa mid uu ku qancinayo saaxiibkiis Farmaajo oo hadda ku garab siinaya in uu ka adkaado kooxda la baxday Ahlu-Sunna.

3. Qancinta beeshiisa: Madaxweyne Farmaajo waxa uu muddo u dirirayey in magaalada Garbahaarey la dhigo kuraas kamid ah kuwa golaha shacabka, beeshiisa hoose ayaa sidaas u aragta daawo.

Waxa uu ku guuleystay in 16 kursi oo Golaha Shacabka ku qoro magaalada Garbahaaray, taas oo reerkiisa si weyn u soo dhaweeyen. In uu aqbalo in labo deegaan doorasho laga laabto waxay ka dhigan tahay inuu ku ballan furay reerkii.

4. Xasuus qor: Farmaajo waxa uu weli raadinaya in wax badan kaga duwaano Xasan Sheekh Maxamuud oo uu xafiiska ka badelay 8-dii Febraayo ee 2017. Waxa uu Xasan Sheekh noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee burburka kadib doorashada dhaafiya magaalada Muqdisho oo gaarsiiya xarumaha maamul goboleedyada, wuxuu kale oo sababay in ergo wax doorato.

Farmaajo ayaa isagna doonaya in wax ka duwan taas loo diiwaan-geliyo, wuxuu isku dayey inuu qabto doorasho qof iyo cod ah laakiin uma suurtoobin. Labo deegaan doorasho iyo 101 qof oo ergo ah wuxuu u arka xasuus qor fiican iyo wax uu kaga duwanaan karo Xasan Sheekh Maxamuud.

Afartaas qodob ayay dadka xaalada Soomaaliya faaqida u arkaan inuu Farmaajo weli ugu dhagan yahay labo deegaan doorasho, balse waxa dhinaca kale muuqata inay qodobadan si weyn dib ugu dhigi doonaan doorashada 2021.


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here