Mohamed Salah ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu kasbado £ 400,000 isbuucii si uu heshiis cusub ugu saxiixo Liverpool .

Xiddiga heerka caalami ee dalka Masar ayaa ku riyaaqay bilowga xiisaha leh ee xilli ciyaareedka, isagoo ka qeyb qaatay 10 gool iyo afar caawin 10 kulan oo Premier League ah iyo Champions League.

Si kastaba ha ahaatee, 29 jirkaan ayaa weli heysta qandaraas ku eg ilaa 2023, waana xaalad ay Liverpool haatan isku dayeyso inay saxdo.

Sida laga soo xigtay The Telegraph , waxaa laga yaabaa inay ku qaadato dalab qandaraas ah oo ah £ 400,000 toddobaadkii si uu Salah ugu hibeeyo mustaqbalkiisa fog kooxda Merseyside.

Warbixinta ayaa soo jeedineysa in Liverpool laga yaabo inay diyaar u tahay inay la kulanto tiradaas, taasoo ka dhigeysa weeraryahanka inuu yahay ciyaaryahanka ugu mushaarka badan Premier League.

Tababare Jurgen Klopp ayaa dhawaan soo jeediyay inuu u tixgeliyo Salah inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here