Waxaa Caawa la ciyaaray kulamo ka tirsan Champions league-ga heerka guruubyada iyadoo kooxaha Qaar sida Real Madrid ay gaareen Guulo raaxo leh halka PSG ay dirqi uga badisay kooxda RB Leipzig

Guruubka B

Kooxda Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Atletico Madrid kulan ku soo dhamaaday 3-2 iyadoo kooxda Reer Spain laga diiday Rigoore kadib markii lasoo eegay Var,

Xidigaha Salaha iyo N. Keita ayaa Saddexda gool u dhaliyay Liverpool halka Xidiga A. Griezmann uu labada gool u dhaliyay Atletico Madrid.

isla Guruubkan FC Porto ayaa guul daro 1-0 dhabarka u saarisay kooxda Ac Milan Goolka kaliya ee Porto waxaa u saxiixay L. Diaz qeybta labaad ee ciyaarta.

Natiijo ahaan Liverpool ayaa guruubkan hogaamineysa waxaa ku xiga Atletico madrid halka Porto ay sadexaad ku jirto waxaana u danbeeya Ac Milan.

Guruubka C 

Kooxda Sporting CP ayaa 4-1 waxay uga badisay kooxda Besiktas halka Ajex ay 4-0 uga badisay kooxda Reer Germany ee Borussia Dortmund.

Natiijo ahaan Ajax ayaa guruubkan hogaamineysa waxaa ku xiga Borussia Dortmund halka Sporting CP ay sadexaad ku jirto waxaana u danbeeya Besiktas.

Guruubka D 

Inter Milan ayaa 3- iyo 1 waxay kaga badisay kooxda FC Sheriff Goolashada inter Milan waxaa ka caawiyay E. Dzeko oo qeybta hore dhaliyay halka A. Vidal iyo S. d. Vrij ay qeybta labaad ku dareen.

isla Guruubkan kooxda Real Madrid ayaa ku ciilbaxday kooxda Shakhtar Donetsk kulan ku soo dhamaaday 5-0, gool uu iska dhaliyay S. Krivtsov, iyo goolal ka yimid V. Junior labo gool , Rodrygo iyo K. Benzema ayaa Real Madrid uga filmeyd guusha caawa.

Natiijo ahaan FC Sheriff ayaa guruubkan hogaamineysa waxaa ku xiga Real Madrid halka Inter Milan ay sadexaad ku jirto waxaana u danbeeya Shakhtar Donetsk.

Guruubka A 

ugu danbeyn kooxda PSG ayaa guul dirqi ah ka gaartay kooxda Reer Portugal ee RB Leipzig, Gool uu bilowga ciyaarta dhaliyay K. Mbappe iyo labo gool oo midkooda rigoore ahaa uuna dhaliyay Lionel Messi ayaa PSG kaga filnaa guusha caawa iyadoo la tusay kubad adag.

Natiijo ahaan Paris Saint-Germain ayaa guruubkan hogaamineysa waxaa ku xiga Man City halka Club Brugge ay sadexaad ku jirto waxaana u danbeeya RB Leipzig.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here