Photo Getty image

Daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa rumaysan in Manchester United ay u baahan tahay “tababare fiican” oo si joogto ah ugu tartama Horyaalka.

Inkastoo ay lacag badan ku bixiyeen Raphael Varane , Jadon Sancho iyo Cristiano Ronaldo suuqii xagaaga, Red Devils ayaa hal dhibic ka qaadatay seddexdii kulan ee ugu dambeysay Premier League, iyadoo farta lagu fiiqay Ole Gunnar Solskjaer .

United ayaa lagu soo waramayaa inaysan qorsheynin inay ceyriso tababaraha reer Norway xilli kooxda ay ku jirto qaab ciyaareed aad u adag, laakiin Carragher wuxuu qabaa in isbedel la sameeyo haddii Red Devils ay dooneyso inay ku guuleysato Premier League.

Isagoo la hadlaya Sky Sports News , Carragher wuxuu yiri: “Ma ciyaari kartid shan ciyaaryahan oo weerar ah, ma awoodid, Pogba waa inuu ka soo baxaa khadka dhexe, halkaas ayuu ka ciyaarayaa waxayna ku soo laabaneysaa saxiixa Ronaldo.

“Isla marka uu Ronaldo soo galo, Pogba waa inuu ka ciyaaraa khadka dhexe si uu ugu habboonaado dhammaan ciyaartooyda. Ma dhahayo (Pogba).

“Ole kuma guuleysan doono horyaal ama Champions League Manchester United, Ole ma uusan helin khibrada, kooxdani waa koox fiican, shaqsiyaad aad u badan, Manchester United waxay u baahan tahay inay hesho tababare ka fiican, waxay u baahan tahay tababare la tartami kara kooxaha kale ee waaweyn ee horyaalka. ”

Man United ayaa haatan ku jirta kaalinta lixaad ee kala sareynta Premier League waxayna isku dayi doontaa inay ku soo laabato wadadii guusha kulankii Atalanta BC ee Champions League Arbacadii.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here