Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Kevin De Bruyne ayaa ku booriyay saaxiibkiis Raheem Sterling inuu aqbalo heshiiska kooxda iyo waliba meertada kooxda isagoo eegaya Guusha kooxda. Goal

Roberto Martinez, Steven Gerrard iyo Unai Emery ayaa ku jira liiska macalimiinta Newcastle iyadoo kooxda ay isha ku hayso tababare cusub. Sida laga soo xigtay Times 

Leeds iyo Newcastle ayaa kula biiray Burnley ugaarsiga kubadsameeyaha Chelsea Ross Barkley, 90min

Luka Jovic ayaa haatan bartilmaameed sare u ah Arsenal ayaa laga heli karaa suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, sida ay sheegtay Defensa Central.

Liverpool ayaa ku jirta liiska kooxaha doonaya weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski, sida ay ku warameyso Fichajes .

Neymar ayaa lagu soo waramayaa in ay ka go’an tahay heshiiskii Paris Saint-Germain kadib 2025.  sida ay ku warameyso UOL.

Milan ayaa weli dooneysa inay lasoo saxiixato qadka dhexe ee Marseille Boubacar Kamara – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee Sampdoria Morten Thorsby ayaa xiiso ka helaya Inter – sida laga soo xigtay Calcio Mercato .

Barcelona ayaa isku dayi doonta inay la soo wareegto xiddiga RB Leipzig Dani Olmo bisha Janaayo – sida laga soo xigtay El Nacional .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here