Weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford ayaa ku biiray dadka kasoo horjeeda tababare Ole Gunnar Solskjaer ee dalbanaya in laga caydhiyo shaqada Manchester United, kaddib natiijooyinkii liitay ee ay kooxdu ka keentay garoomada.

Marcus Rashford ayaa kasoo laabtay qalliin lagaga sameeyey garabka kaddib tartankii qaramada Yurub, waxaanu ciyaartiisii ugu horreysay saftay Sabtidii oo uu beddel kusoo galay kulankii ay Leicester City 4-2 ku burburisay Red Devils, taas oo uu dhaliyey mid ka mid ah labada gool ee Manchester United.

Taageereyaasha Manchester United ayaa la filayaa inay ku mudaharaadaan Solskjaer ka  hor ciyaarta Liverpool ee Axadda iyagoo dalbanaya in la caydhiyo tababarahan, hase yeeshee baaqyada dadka  dalbanaya in shaqada laga eryo ayaa soo badanaya.

Rashford iyo Solskjaer ayaa iyaguna isku dhacay xilli uu tababaruhu usoo jeediyey laacibkan inuu joojiyo hawlaha kale ee aan ahayn ciyaaraha oo kaliya uu awoodda saaro sidii uu kubadda cagta u ciyaari lahaa.

Solskjaer ayaa doonayay inuu ku riixo Rashford inuu faraha ka  qaado hawlihii uu waday sannadihii ugu dambeeyey ee ay qaybta ahaayeen quudinta carruurta iskuullada xilligii Korona Fayraska iyo ololaha uu dawladda ugu riixayo inay soo celiso barnaamijkii ay ku quudisnaysay carruurta dugsiyada, kuwaas oo uu ku mutaystay shahaadooyin sare oo jaamacadeed.

Horraantii bishan, jaamacadda The University of Manchester ayaa Rashford ku abaal-marisay shahaadada MBE, horena waxa uu u helay shahaadooyin kale.

Si kastaba, laacibkan ayaa  u cadhaysan tababarihiisa oo la sheegay in aanay isku wanaagsanayn, waxaanu ka xanaaqay Solskjaer oo u sheegay ‘inuu kubadda awoodda siiyo’, kana gaabsado waxyaabaha kale.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here