Photo/Reuters

Luka Jovic ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dadaalayo inuu ka huleelo Real Madrid inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga Janaayo.

Laba sano oo niyad jab ku ahaa Bernabeu, xiddiga heerka caalami ee reer Serbia ayaa ku koobnaa kaliya lix kulan oo bedel ah xilli ciyaareedkan.

Iyada oo la rajaynayo in ugu yaraan mid ka mid ah Kylian Mbappe ama Erling Braut Haaland uu kooxda imaado sannadka soo socda, 23-jirka ayaa dareesan in uusan mustaqbal ku laheyn kooxda.

Sida laga soo xigtay Fichajes.net , Jovic ayaa aad u doonaya inuu helo koox cusub sida ugu dhaqsaha badan si uu xirfadiisa u bilaabo.

Xilli la filayo in Alexandre Lacazette uu ka tago Emirates Stadium, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa la sheegay inuu u arkayo Jovic inuu yahay bedelka suurtagalka ah.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here