Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ganaax kusoo rogay xulka qarranka England iyo xidhiidhka FA iyagoo lagu ciqaabayo rabshadii taageereyaasha ee finalkii Euro 2020 ka dhacay garoonka Wembley Stadium.

Boqollaal taageereyaal Ingiriis ah ayaa qasab kusoo galay gudaha garoonka  iyagoo soo jiidhay ciidamada ammaanka, waxaanay qabsadeen kuraasta dadkii haysatay tigidhada ee lacagta bixiyey, halka bannaanka  garoonkana ay kula dagaallameen taageereyaal Talyaani ah oo ay qaarkood waxyeello u geysteen.

UEFA ayaa ganaax 100,000 Euro ah iyo ugu yaraan hal kulan oo ay garoon albaabadu u xidhan yihiin ku ciyaarayaan kusoo rogay England, laakiin tirada ciyaaraha ay garoonka madhan ku dheelayaan ayaa lagu sii kordhin karaa hal kulan oo kale oo laba ciyaarood noqon karta.

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska  ee FA ayaa bishii hore waxa uu UEFA ka dalbaday in la dhegaysto cabasho ay qabaan si ay uga baxsadaan in garoon madhan ay ku ciyaaraan, laakiin xaqiiqada ayaa hadda soo baxday.

UEFA waxay walaac ka muujisay ficilkii taageereyaasha ee finalkii Talyaaniga iyo England ee rikoodheyaasha uu xulka Italy ku qaaday Koobka.

Maanta, ayuu xidhiidhka kubadda cagta FA waxa uu sheegay inuu aad uga qoomamoonayo waxa ay garoonka ka sameeyeen taageereyaasha mayalka adag ee qaswadeyaasha ah, waxaanay masuuliyiinta dawladda ka dalbadeen in tallaabo cad laga qaado.

Si kastaba, ganaaxa UEFA wali si rasmi ah looma shaacin, laakiin warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay inay ogaadeen in hadda uu kasoo dhamaaday UEFA oo shaacinta oo kali ahi hadhsan tahay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here