Madaxda Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay ‘ku faraxsan yihiin qaabka kooxda ku socoto iyadoo uu maamulayo tababaraha haatan ee Ole Gunnar Solskjaer .

Red Devils ayaa lagu soo waramayaa inaysan qorsheynin inay ceyriso tababaraha reer Norway inkastoo qaab ciyaareed niyad jab leh uu kooxda u horseeday iyadoo badisay kaliya hal kulan shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan.

Tababarihii hore ee Chelsea Antonio Conte ayaa loo arkaa inuu yahay kan ugu cadcad inuu bedelo Solskjaer haddii isbedel lagu sameeyo hoggaanka, laakiin sida ay qortay The Sun , Man United ayaa 48-jirka u aragta tababare muddo dheer ah.

Warbixinta ayaa sheegeysa in kooxda heysata 20-ka jeer horyaalka Ingariiska inay si buuxda uga dambeyso tababarahooda isla markaana ay sii wadi doonaan inay taageeraan iyadoo kooxda ay isku dayeyso inay mar kale ku soo laabato hogaanka Premier League.

Man United ayaa hal dhibic ka qaadatay seddexdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka, waxaana ay haatan fadhisaa kaalinta lixaad ee kala sareynta , iyadoo shan dhibcood ka dambeysa kooxda hogaanka heysa ee Chelsea.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here