Photo/Getty

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dalab u soo gudbineyso weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah , kaasoo ku lug yeelan doona Eden Hazard inuu u dhaqaaqo dhanka ka soo horjeeda Anfield.

Salah ayaa qaab ciyaareed aad u fiican kula jira Reds intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo dhaliyay 10 gool isla markaana diiwaangeliyay afar caawin 10 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Qandaraaska xiddiga reer Masar ee kooxda Jurgen Klopp ayaa dhacaya June 2023, inkastoo Liverpool ay u muuqato inay ku dhibtooneyso inay daboosho dalabka mushaharka 29 jirka.

Sida uu sheegayo weriye Ekrem Konur , Los Blancos ayaa qorshaynaysa inay Hazard iyo lacag u siiso kooxda Merseyside si ay ugu beddesho Salah.

Hazard ayaa wacdaro ka dhigay Premier League intii uu joogay Chelsea laakiin si weyn ayuu u dhibtooday tan iyo markii uu yimid Spain, isagoo ka qeyb qaatay kaliya shan gool iyo sagaal caawin 51 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium, oo u muuqda inuu la dagaallamayo dhibaato kale oo muruqa ah, ayaa weli waxaa u harsan saddex sano si uu u sii wado qandaraaskiisa kooxda Carlo Ancelotti .

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here