Harry Kane ayaa abaartii goolal la’aanta kaga baxay kooxda uu Sucuudiga lacagta badan ku iibsaday ee Newcastle United oo ay Tottenham ku karbaashtay 2-3 ciyaar uu khalkhal geliyey taageere ku xanuunsaday garoonka dhexdiisa.

Ciyaartan oo la joojiyey muddo kooban oo ciyaaryahannada labada kooxoodna qolka lebbiska la  geliyey isla qaybta hore ayaa dib loo bilaabay, waxaana saddex dhibcood oo muhiim ah ka heshay Spurs, halka maalqabeennada Sucuudiga ee lacagta ka badan 300 milyan ee Gini ay guul-darradii koowaad dhadhamiyeen.

Yasir Al-Rumayyan oo ah guddoomiyaha cusub ee Newcastle United oo ay garab fadhiday saamiilayda hore usoo ahayd quruxlayda dharka xayaysiisa ee Amanda Staveley ayaa farxad kooban ku bilowday ciyaarta kaddib markii daqiiqaddii 3aad uu kooxdooda gool qurux badan oo madax ah u dhaliyey Wilson, hase yeeshee may sii waarin, waxaana loogu beddelay laba gool oo shan daqiiqadood gudahood lagaga dhaliyey.

Laacibka khadka dhexe ee reer France ee Ndombele ayaa goolka barbarraha u dhaliyey Tottenham daqiiqaddii 17aad, waxyar kaddibna waxa gool labaad raaciyey Harry Kane oo goolkiisii koowaad ee xilli ciyaareedkan u dhaliyey Tottenham.

Qaybta hore oo ay ka hadhsan tahay shan daqiiqadood ayaa la joojiyey ciyaarta markii uu taageere ku suuxay dusha sare ee garoonka, taas oo keentay in ciyaartoyda lagu xareeyo qolka lebbiska, hase yeeshee dib ayaa loo bilaabay, waxaana hoggaaminteeda sii wadatay Tottenham oo gool saddexaad la timid intii ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, waxaana u dhaliyey Son Heung-Min.

Kubbad uu Harry Kane u dhiibay ayuu Son ku hubsaday shabaqa, waxaanay taasi ibo-fur u noqonaysaa iskaashigii labadan ciyaartoy ah kuwa goolashii ugu badnaa isku dhigay Premier League sannadihii ugu dambeeyey.

Dhamaadka ciyaarta oo ay ka hadhsan tahay siddeed daqiiqadood ayay Newcastle noqotay 10 ciyaartoy iyadoo kaadh cas lagaga saaray Shalvey oo shan daqiiqadood gudahood ku qaatay laba kaadh oo digniin ah.

Eric Dier ayaa iska dhaliyey gool xilli kooxdiisu isku diyaarinayso inay ku hor dabbaal-degto mulkiileyaasha cusub ee Spurs, laakiin goolkaasi kama hor joogsanin inay guuleystaan.

Tottenham ayay guushu ku raacday 3-2, waxaanay soo gashay kaalinta shanaad ee horyaalka Premier League iyadoo yeelatay 15 dhibcood, halka Newcastle ay u dhacday kaalinta 19aad ee sagxadda hoose ee horyaalka, waxaana kaliya ka hoosaysa Norwich City.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here