Photo by Catherine Ivill/Getty Images)

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay miisaameyso u dhaqaaqista ciyaaryahanka khadka dhexeee Manchester United Nemanja Matic .

33 jirkaan ayaa si joogta ah ugu ciyaara Red Devils xilli ciyaareedkan, isagoo u saftay sideed kulan tartamada oo dhan, laakiin qandaraaskiisa Old Trafford ayaa dhacaya June 2023.

Sida laga soo xigtay Daily Star , Barcelona ayaa u aragta xiddiga heerka caalami ee reer Serbia inuu yahay ciyaaryahanka ugu habboon ee kor u qaadi kara khadkeeda dhexe, iyadoo kooxda reer Catalan ay eegeyso saxiixyada qiimaha jaban 2022 sababo la xiriira dhaqaalahooda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Matic ay u badan tahay in lagu heli karo qiimo jaban xagaaga soo aadan.

Ciyaaryahanka qibrada leh ayaa 165 kulan u saftay kooxda 20-ka jeer haysata horyaalka Ingiriiska tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Chelsea bishii July 2017.

Man United ayaa sidoo kale beeca xorta ah ku waayi karta Paul Pogba xagaaga soo aaddan, waxaana la filayaa in kooxdu ay suuqa kala soo wareegto ugu yaraan hal xiddig oo khadka dhexe oo cusub ah ka hor ololaha 2022-23.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here