Kooxda Barcelona ayaa boorka dib iskaga jaftay kadib guul ay caawa ka gaartay kooxda Valencia ciyaar ku soo dhamaatay 3-1.

Xidigaha Barca ayaa ku jiray heer aad u liita kulamadii ugu danbeeyay iyagoo dhoor kulan oo Horyaalka iyo Champions league la kulmay guul-daro xanuun badan.

Barcelona ayaa Caawa mar kale gool looga naxsaday Daqiiqadii bilowga ciyaarta daqiiqadii 5aad José Luis Gayà ayaana shabaqa kasoo taabtay in kastoo goolkaasi uusan Valencia ka caawin inay guul gaarto.

Ansu Fati ayaana goolasha Barcelona daah-duray Daqiiqadii 13aad ee ciyaarta isagoo caawin ka helay xidiga Memphis Depay, Waxana goolka labaad oo rigoore ahaa ku sii daray Memphis Depay isla qeybta hore daqiiqadii 41aad guud ahaan qeybta hore ayaa lagu kala nastay labadaasi gool.

Barcelona ayaana qeybta labaad soo bandhigin kubad sidaasi u xiiso badan inkastoo dhamaadka ciyaarta daqiiqadii 85aad uu gool u dhaliyay Philippe Coutinho.

Natiijo ahaan Barcelona ayaa soo gashay kaalinta 7aad ee Horyaalka iyadoo leh 15 dhibcood kadib markii ay badisay afar kulan oo kamid ah 8 kulan oo ay ciyaartay.

Shaxda Ciyaarta

Barcelona XI: Pique, Alba, Busquets, Ter Stegen, Roberto, Depay, De Jong, Eric Garcia, Dest, Fati, Gavi

Subs: Aguero, Luuk de Jong, Coutinho, Neto, Umtiti, Lenglet, Pena, Riqui Puig, Óscar Mingueza, Nico González, Y. Demir, Álex Baldé

Valencia XI: Wass, Gabriel, Cillessen, Foulquier, Gaya, Guedes, Diakhaby, Soler, Maxi Gomez, Hugo Guillamón, Hugo Duro

Subs: Cheryshev, Hélder Costa, Domenech, Jason, Manu Vallejo, U. Račić, Maranhão, Y. Musah, Giorgi Mamardashvili, Jesús Vázquez, Cristhian Mosquera

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here