Ku soo dhawaada Wararka Suuqa kala iibsiga ee Ciyaaraha Caawa oo aad Habeen walbo kala socotaan Warbaahinta Ciyaaro.com

Weeraryahanka reer France Kylian Mbappe, oo 22 jir ah, ayaan heshiis cusub u saxiixi doonin Paris St-Germain iyadoo aan loo eegin inta lacag ah ee ay kooxda Ligue 1 siineyso maadaama ay ka go’an tahay inuu ku biiro Real Madrid (AS)

Liverpool Manchester City iyo Manchester United ayaa dhamaantood isha ku haya xiddiga qadka dhexe ee Monaco iyo France Aurelien Tchouameni, oo 21 jir ah, kaasoo lagu qiimeeyo ku dhawaad ​​40 milyan oo ginni. (ESPN)

Kooxda Man City ayaa qorshaynaysa in ay weeraryahanka reer England ee Raheem Sterling oo 26 jir ah ku badasho weeraryahanka Bayern Munich iyo xulka Poland ee Robert Lewandowski oo 33 jir ah (Express)

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa aqbalay in xiddiga qadka dhexe ee reer England Jesse Lingard, oo 28 jir ah, laga yaabo inaan lagu qancin inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda ilaa uu helo waqti dheeri ah oo ciyaarta ah. (Standard)

Wakiilka Paul Pogba Mino Raiola ayaa u soo bandhigay Barcelona ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester United . 28 jirka reer France qandaraaska uu ku joogo Old Trafford ayaa dhacaya xagaaga soo aadan waxaana sidoo kale Raiola la xiriiray Juventus Paris St-Germain Real Madrid iyo dhowr kooxood oo Premier League ah. (ESPN)

Weeraryahanka Everton iyo England Dominic Calvert-Lewin, oo 24 jir ah, ayaa noqon doona bartilmaameedka ugu sarreeya Arsenal xagaaga soo aadan. (Football.London)

Tababaraha Roma Jose Mourinho ayaa xiiseynaya saxiixa xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Riqui Puig, oo 22 jir ah, kaasoo ka dhacay booskiisa Nou Camp. (Sport)

Daafaca Jarmalka Antonio Rudiger ayaa u arkay dalabkii qandaraas ee Chelsea ee dhawaan “ixtiraam darro”. 28 jirkaan ayaa qandaraaskiisa haatan wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Sport1)

Tababarihii hore ee Shakhtar Donetsk iyo Roma Paulo Fonseca ayaa u soo baxay inuu noqdo musharrax la wareegi doona Newcastle , kaasoo la filayo inuu Steve Bruce xilkiisa ka qaado toddobaadka soo socda. (ESPN)

Wakiillada Declan Rice ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah ee la xiriirinaya xiddiga qadka dhexe ee West Ham iyo England ee, 22 sano jirka ah, kooxda Newcastle (90Min)

Inter Milan ayaa rajeyneysa inay qandaraaska cusub ku xirto xiddiga qadka dhexe ee reer Italy Nicolo Barella, oo 24 jir ah, ka dib markii ay xiiseyeen Liverpool iyo PSG (Gazzetta dello Sport)

Xiddiga qadka dhexe ee Marseille iyo xulka France Dimitri Payet, oo 34 jir ah, ayaa sheegay inuu ku wareersan yahay sababta daafacooda amaahda ah ee 21 jirada Faransiiska William Saliba, oo 20 jir ah, uusan fursad dheeraad ah u siin kooxda Arsenal (Metro)

Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Rangers Joe Aribo, oo 25 jir ah, ayaa diirada u saaran Crystal Palace (Footballinsider247)

Daaficii hore ee Liverpool Jamie Carragher ayaa sheegay in lacagtu aysan dammaanad u ahayn guusha, uuna la yaabi doono haddii Newcastle ay ku guuleysato horyaalka Premier League ka hor 2030. (Telegraph)

Norwich Leicester Everton iyo Manchester United ayaa isha ku haya 18 jirka daafaca dambeedka midig ee Aberdeen Calvin Ramsay. (Thesun)

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here