kooxda Liverpool ayaa markale sii wada guulaheeda muhiimka kadib guul ay ka gaartay kooxda Watford oo booqasho ugu tagtay Ciyaar ku soo dhamaatay 0-5,

Xidigaha Mo Salah ayaa mar kale Wac-daro dhigay kulankan isagoo Caawiyay Goolka hore halka uu Dhaliyay Gool Qurux badan oo lamid ah kii uu ka dhaliyay kooxda Manchester City.

Reds ayaana Wax dadaal ah ugu bixin in ay hogaanka ciyaarta Qabato Daqiiqadii 9aad markii Xidiga S. Mane uu dhameestiray kubad dhanka Bixid ka timid uu soo Qaroofiyay Mo Salah, Waxana goolka labaad ku daray Roberto Firmino oo kubad banaanka loo soo dhigay dhameestiray Daqiiqadii 37aad ee Ciyaarta kubada ayaana ka timid saaxiibkiis Milner iyadoo lagu kala nastay labadaasi gool.

Roberto Firmino ayaana hogaanka u sii dheereeyay qeybta labaad Daqiiqadii 52aad ee qeybta danbe isagoo dhameestiray kubad uu soo baxshay goolhayaha Watford, Mo Salah ayaana ciyaarta dhigay 4-0 isagoo dhaliyay kubad indho sarcaad aheyd isagoo Saddex Difaac kasoo qaatay kubad Quxux badan uu marka hore kasoo shaqeeyay Firmino, Salah ayaana mar kale u qabtay Mid kamid ah Daafacyada Watford isagoo kubad Qurux badan dhex-dhigay goosha, Firmino ayaana soo qatimay goolasha kulankan isagoo dhaliyay goolkiisa Saddexaad ee ciyaarta.

Salah ayaana sii rukuntay heshiiska Liverpool ee miiska saaran isagoo Jamaahiirta Reds u tusay sida uu muhiimka ugu yahay kooxda.

Natiijo ahaan Liverpool ayaa ku jirta kaalinta ugu sareysa ee horyaalka lakin Kulanka Chelsea ayaa keeni kara in kaalinta labaad u soo dhacdo hadii Blues ay badiso.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here