Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay bartilmaameedsan doonto xiddiga Monaco ee Aurelien Tchouameni inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga dambe hadii uu Paul Pogba si xor ah uga tago kooxda.

Pogba ayaan weli heshiis cusub u saxiixin Old Trafford, wakiilka xiddiga qadka dhexe Mino Raiola ayaa la sheegay inuu xiddiga reer France u soo bandhigay Barcelona , halka Real Madrid , Juventus iyo Paris Saint-Germain la sheegay inay xiiseynayaan saxiixa xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka haddii uu diido inuu qalinka ku duugo heshiiska Manchester.

Mustaqbalka Tchouameni ayaa weli ah mid si weyn loo hadal hayo, iyadoo Real Madrid, Liverpool , Chelsea iyo Manchester City dhammaantood la sheegay inay xiiseynayaan adeegiisa.

Sida laga soo xigtay ESPN , Man United ayaa u aragta xiddiga reer France inuu yahay bedelka ugu habboon ee Pogba, haddii 28-jirka uu go’aansado inuu raadsado koox cusub sannadka soo socda.

Warbixinta ayaa sheegeysa in lacag u dhexeysa € 50m (£ 42.2m) iyo € 60m (£ 50.6m) laga rabo inay Monaco ku qanciso iibinta Tchouameni ka hor ololaha 2022-23.

21 jirkan oo dhawaan noqday xiddig fure u ah dalkiisa ayaa laba gool dhaliyey 15 kulan oo uu u saftay kooxdiisa Ligue 1 inta lagu guda jiro xilli ciyaareedkan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here